Xukuumaddeey Daawade Haka Noqon Kiiska Kufsiga Ah Ee Burco Ee Faraha ka Sii Baxay!!.

0
213

HARGEISA – Kiiska wadaadka ee ka socda magaalada Burco wuxuu marayaa heer khatar ah oo ay bilaabeen inay indhaha bulshada doodo xasaasi la hor yimaaddaan culimo iyo ehelada dhibbanayaashu iyagoo hanjabaado isku marinaya qaybaha warbaahinta.

Xilligan adag, Xukuumaddu ma aha inay daawade ka noqoto arrin sidaa u culus, gaar ahaan marka ay muuqato in kiisku ku jiro gacanta garsoorka oo weli maraya marxalad xasaasi ah.

Sharciyad ahaan, xeerka saxaafadda ayaa si cad u mamnuucaya in la baahiyo kiisas maxkamad ku jira. Kanina waaba mid gaar ah oo “xidhan” oo aan xitaa fadhiyada loo ogolayn dadweynaha. Kiiskan oo ku saabsan tacaddi galmo, waa mid ka mid ah kuwa ugu difaaca badan ee uu sharcigu si adag u xakameeyo, sababtoo ah wuxuu taabanayaa asturnaanta labada dhinac, xuquuqda dhibbanaha, iyo habsami u socodka caddaaladda.

Warbaahinta qaarkeed marka ay ka faalloonayaan kiis noocan ah iyaga oo aan ilaalinayn xuduudaha sharciga, waxay sababi karaan:

Cadaadis iyo jahawareer ku yimaadda maxkamaddaha.

Sumcad dil iyo saamayn aan la celin karin oo gaadha dhibbanayaasha ama ehelkooda

Hanjabaad iyo isku dhac ka dhex dhasha bulshada dhexdeeda

Fashilka nidaamka garsoorka iyo kalsoonida shacabka

Haddaba, Xukuumadda waxa looga baahan yahay:

1. Inay si degdeg ah u joojiso baahinta sharci-darrada ah

Wasaaradda Warfaafinta iyo hay’adaha la taliya warbaahinta waa inay dhaqan-geliyaan xeerka saxaafadda, oo ay u celiyaan warbaahinta xadka sharciga ka hor inta aan kiisku faraha ka bixin.

2. Inay ilaaliso kala dambaynta sharciga

Dadka falanqaynaya kiiska, culimo ama shacab ha ahaadeen, waa in loo xusuusiyo in garsoorka joogo, oo hadal kasta oo ka baxsan xadka sharciyadda uu waxyeellayn karo geeddi-socodka dacwadda.

3. Inay kor u qaaddo kalsoonida Hay’addaha Garsoorka dalka.

Xukuumaddu waa inay taageerto madax-bannaanida garsoorka si caddaaladdu ugu socoto si hufan oo cadaalad ah, iyadoo aan cidna saameyn ku yeelan.

4. Inay ka hortagto isku dhaca bulshada

Marka culimo iyo ehelada dhibbanayaashu si toos ah isugu jawaabaan, khilaafka wuxuu noqonayaa mid bulsho oo fidsan. Xukuumaddu waxay ku waajibaysan tahay inay dhex gasho si loo dejiyo xaaladda ka hor inta aan khilaafku weynaannin.

Ugu dambayn.

Kiiskan ma aha mid lagu ciyaaro, kumana haboonna hadallo kulul iyo faafin warar aan sharciga waafaqsanayn. Xukuumaddu waa inay noqotaa mid gacanta ku haysa ilaalinta asturnaanta, nabadgelyada bulshada, iyo geeddi-socodka caddaaladda, si loo hubiyo in kiiska uu ku dhammaado si sharci ah oo hufan, kana fog jahawareer iyo xanaaq bulsho.

Abdirashid Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here