Xukuumadda Somaliland oo tallaabo ka qaadeysa ciddii fulisa amarka Soomaaliya

0
3435

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay sheegtay in tallaabo laga qaadi doono isla-markaana lala xisaabtamayo ciddii fulisa amarka Soomaaliya dul dhigtay shirkadaha Ganacsiga.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan cidii fulisa amarka maamulka Soomaaliya.

Wasiirka, ayaa sheegay in cida amarka Soomaaliya tixgalisa ee fulisa ay Somaliland danbi ka galeen, isla-markaana ay Somaliland la xisaabtamayso.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay itaal keeda isku dayayso in ay waxyeelayso Somaliland, isla-markaana ay amaro iyo waraaqo hada isticmaalayso, hadii ay awood ciidan lahaan lahaydna ay dagaal ku soo qaadi lahayd.

Wasiir Mareexaan, ayaa Soomaaliya ku tilmaamay mashruuc ay Beesha Caalamku uga dan leedahay la dagaalanka Al-shabaab, lakiin aan ahayn qaran madaxbannaan, isaga oo sheegay in caawimo shisheeye la’aanteed aanay istaagi karin.

Waxa uu ku hanjabay in dhawaan la arki doono cida itaal roon Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay ku taagan tahay cago aanay lahayn.

Maamulka Soomaaliya, ayaa shirkadaha gaarka loo leeyahay ku amartay in laga bilaabo 1 September joojiyaan isticmaalka magaca Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here