Xukuumadda Somaliland oo laashay wada-hadalladii Soomaaliya

0
2283

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gabi-ahaanba laashay wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya, kadib markii ay ku kacday xad-gudubyo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo mabaadi’dii wada-hadalladii hore u dhexmaray labada dal.

Xukuumadda Somaliland, ayaa sidoo kale waxaa ay sheegtey in Maxaabiista uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya geeyay Magaalada Muqdisho aanay ahayn Maxaabiis dagaal, isla markaana aanay jirin wax wada hadala oo laga galey siideynta Maxaabiistaasi, xukuumaddu waxa ay intaas ku dartay in hore ay ugala hadashay arrimaha maxaabiista dalalka Somaliland, saaxiibka la ah, sida Maraykanka, Ingiriiska, Denmark, Turkiga iyo Emirate-ka Carabta.

Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland, waxaa ay Beesha Caalamka ugu baaqday in ay si degdeg ah uga falceliso xadgudubyada ay Dowladda Soomaaliya ka geysanayso Deegaanka Bariga Sool ee Somaliland,

Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland waxa ay si adag u canbaareysay tallaabadii daandaansiga ahayd ee uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya ku tagey magaalada Laascaanood, 12/4/2025-ka, iyada oo ku tilmaantay xad-gudub ka dhan ah Qawaaniinta Caalamiga ah, iyo madax bannaanida dhuleed ee Somaliland.

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore u shaacisay inay si weyn u daneynayso   nabadeynta degaanka bariga Sool, waxaaney intaas raacisay inay haddana mudnaanteeda kowaad ay tahay  difaaca Qarannimada Somaliland iyo xuduudaha lama taabtanka ah.

Waxa sidan lagu sheegay shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Haddaba afar qodob uu xudun u ahaa War-murtiyeedkii ay soo saareen Golaha Wasiiradu waxa warbaahinta u akhriyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland, Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle, waxaanu u dhigna sidan:-

“Qodobka 1-aad Dowladda Soomaaliya waxa ay si buuxda uga leexatay jidkii nabadda iyo wada-hadalka.

Dawladda Soomaaliya waxa ay si cad uga baxday dariiqii nabad-ku-wada-noolaanshaha iyo wada-hadalka, iyada oo imaatinkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood uu yahay xad-gudub badheedh ah oo ka dhan ah madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Tallaabadaasi waxa ay ahayd daandaansi siyaasadeed iyo hurin colaadeed, taas oo si toos ah khatar u gelinaysa xasilloonida gobolka Geeska Afrika, iyada oo lagu tuntay xeerarka caalamiga ah iyo xorriyadda muwaadiniinta Somaliland oo si sharci-darro ah loo afduubay.

Qodobka 2-aad In aanay jirin wax wada-hadal ah oo ku saabsan siideynta Maxaabiista.

Xukuumadda Somaliland waxa ay si cad u sheegaysaa in aanay jirin wax wada-hadal ah oo Dowladda Soomaaliya kala yeelatay arrimaha la xidhiidha siideynta maxaabiista.

Maxaabiista Raysal-wasaaraha Soomaaliya geeyay magaalada Muqdisho ma aha maxaabiis dagaal (𝐩𝐫𝐢𝐬𝐨𝐧𝐞𝐫𝐬 𝐨𝐟 𝐰𝐚𝐫)

Xukuumadda Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadaasi inay ahayd mid lagu qarinayo fashilka siyaasiga ah ee haysta Dowladda Soomaaliya.

Qoddobka 3-aad Iskaashiga Caalamiga ah ee Is-dhaafsiga Maxaabiista iyo doorka ICRC.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay wada hadallo la yeelatay Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo danjireyaasha dalalka saaxiibka la ah si loo xalliyo arrinta maxaabiista, iyada oo ku saleysan xeerarka iyo hab-raacyada caalamiga ah ee maxaabiista.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay diyaar u tahay in maxaabiista la isu waydaarsado hannaan kasta oo waafaqsan nidaamka isweydaarsiga maxaabiista, bud-dhigna ay u tahay hay’adda ICRC, iyada oo ay Xukuumadda Somaliland hore ugala hadashay arrimaha maxaabiista wadamada ay saaxiibka yihiin sida Maraykanka, Ingiriiska, Denmark, Turkiga iyo Emirate-ka Carabta.

Qoddobka 4-aad Baaqa Jamhuuriyadda Somaliland ee ku wajahan beesha Caalamka

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cod dheer ugu baaqaysaa beesha caalamka in ay si degdeg ah uga falceliso xadgudubyada ay Dowladda Soomaaliya ka geysanayso Deegaanka Bariga Sool ee Somaliland, isla markaana ay taageerto dadaallada Jamhuuriyadda Somaliland ugu jirto soo celinta nabada deegaanka bariga Sool.

Duullaanka qorshaysan ee Soomaaliya ku soo qaaday Somaliland waxa uu khatar gelinayaa xasilloonida Geeska Afrika, wuxuuna fursad siinayaa kooxaha xagjirka ah iyo argagixisada, taas oo halis weyn ku ah nabadda iyo horumarka gobolka oo dhan.

Qoddobka 5-aad Wada-hadaladdii u dhaxeeyay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya

Maadaama ay Dawladda Soomaaliya si joogto ah ugu kacday xad-gudubyo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo mabaadi’dii wada-hadalladii hore u dhexmaray labada dal, Golaha Wasiirradu ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay go’aamiyeen in laga baxo wada-hadaladii lagu jiray Soomaaliya, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Abriil 16th, 2025.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an difaaca Qaranimadeeda iyo adkaynta madax-bannaanideeda, si aan gorgortan lahayn.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here