Xukuumadda Somaliland oo Ka Hadashay Ka Bixitaanka Ciidamada-Qaranka Ee Laascaanood

0
1754

Hargeysa (Hargeisa Press) –Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay ka hadashay ka bixitaanka Ciidamada Qaranka Somaliland ee gudaha magaalada Laascaanood.

Xukuumadda, ayaa ka bixista ciidamada qaranka ee Laascaanood ku tilmaantay qorshe lagu hirgalinayo xabad joojintii ay ku dhawaaqday 10 kii bishan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay in Somaliland awood u leedahay in ay xal buuxa ka gaadho khilaafaadkeeda guddaha.

Wasiir Keyd, ayaa sheegay in ay tahay talaabo lagu dhowrayo bad qabka shacabka, kadib baaqyo uga yimid shacabka iyo Beesha Caalamka.

Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay ka go’antahay in Laascaanood aanay gabaad u noqon kooxaha argagixisada.

Wuxuuna sheegay in ay ugu baaqayaan ciidamo beeleedka hubaysan ee Laascaanood ku sugani in ay baneeyaan magaalada.

Ciidamada qaranka Somaliland, ayuu sheegay inay awood buuxda u leeyihiin in ay ilaaliyaan madaxbannaanida Somaliland, lakiinse, ay sida u sameeyeen si ay u muujiyaan ka go’naanshahooda in xabad joojintu hrgasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here