Hargeysa,(HargeisaPress) – Wasiirka Duulista iyo Madarada Somaliland Fu’aad Axmed Nuux ayaa sheegay in dhacdadii maanta ka dhacday qaladka koowaad uu uu ka yimi dhinaca madaxweyne Biixi kaas oo uu sheegay in safarkiisa aanu sii ogaysiin Wasaaradda Duulista iyo Madarada hawada ee Somaliland.
Wasiirku waxa uu xusay in madaxweyne Biixi uu yahay mas’uul ku suntan in uu mar walba soo kaxaysto gaadiid iyo dad aad u badan taas oo aanay samayn madaxdii la meeqaamka ahayd ee Somaliland soo martay.
Waxa uu sheegay in dhacdadani ay tahay tii labaad ee madaxweyne hore Muuse uu ka sameeyo garoonka diyaaradaha ee Cigaal tan iyo markii uu xilka ka degay.
Inkasta oo Wasiirku sheegay in madaxweyne Muuse aanu soo ogaysiin safarkiisa Imaaraadka Carabta haddana waxa uu safarka Muuse ahaa mid daah furan oo maalintii shalay warbaahinta qaarkood sii tebisay lana sii ogaa.
Dhinaca kale Garyaqaan Guuleed Dafac oo Galaydh TV wax ka waydiiyey in ay sharci tahay in madaxweyne Muuse safarkiisa ogaysiiyo Wasaaradda Duulista iyo Madarada ayaa yidhi.
” Madaxwaynaha hore waa muwaadin caadi ah oo ogolaansho ugama baahna xukuumadda si uu u dhoofo ama dalka ugu soo noqdo. Kumana aha waajib sharci inuu bixiyo ogaysiis. Haseyeeshee, si uu u helo maamuuska uu mudan yahay, borotolool ahaan waa inuu wargelliyo cidda ay tahay inay maamuusto”
Xogo madax bannaan oo Galaydh TV uu helay ayaa tibaaxaya in Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland sii ogayd Safarka madaxweyne hore Muuse Biixi taas oo ka dhigan in ay ka sii baaraan degeen dhammaanba tallaabooyinka ay qaadi karaan xilliga uu garoonka ka dhoofayo.
Siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo haldoor lale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Cirro gaar ahaana wasaaradda Duulistu si badheedh ah u qorshaysay falka uu maanta la kulmay madaxweyne hore Muuse Biixi.

















