Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa soo qabanqaabisay kulan muhiim ah oo lagaga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa kor u kaca qiimaha laydhka iyo shidaalka, si gaar ahna diiradda loogu saaray helitaanka shidaal jaban oo ay isticmaalaan shirkadaha bixiya adeegga tamarta.
Kulankan oo si gaar ah uga dhacay xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay saameynta ba’an ee uu ku leeyahay qiimaha shidaalka isbeddelka siyaasadeed iyo amni ee ka jira caalamka, gaar ahaan dagaallada ka soo cusboonaaday Bariga Dhexe, kuwaas oo si toos ah u saameeyay suuqyada shidaalka ee dunida.
Kulanka waxa ka soo qayb galay, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha, Komishanka Tamarta Somaliland, Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera.
Qodobada muhiimka ah ee lagu lafa-guray kulanka waxaa ka mid ahaa:
1. Xal u helidda kor u kaca qiimaha laydhka ee dalka oo dhan, iyadoo lagu talo jiro in la dhiirrigeliyo isticmaalka tamar nadiif ah iyo hoos u dhigista kharashaadka ay shirkaduhu ku bixiyaan shidaalka.
2. Ka hortagga iyo wax ka qabashada kor u kaca qiimaha shidaalka, iyadoo loo eegayo saamaynta isbeddelada caalamiga ah, gaar ahaan dagaallada Bariga Dhexe, kuwaas oo sababay in qiimaha shidaalku si xawli ah kor ugu kaco.
Kulankan, ayaa qayb ka ah dadaallada Xukuumadda Somaliland ay ugu jirto xakamaynta sicir-bararka ku yimaadda adeegyada tamarta, korna loogu qaadayo helitaanka adeeg tamar oo jaban, tayo leh, oo waafaqsan baahiyaha bulshada.