Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta oo Heshiis Ka Gaadhay Khilaafkii Fiberka

0
597

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya bixinta addeegyadda isgaadhsiinta ee ka hawl galla Somaliland, ayaa heshiis ka gaadhay muran la xidhiidhay keenida xadhiga Fiber Optic.

Saddexdan shirkadood oo kala ah Dahabshiil, Telesom, iyo Som Cable, ayaa heshiiskoodu maanta ka dhacay xarunta madaxtooyadda Somaliland waxaana goob joog ka ahaa madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, iyo wasiirka Tignoolajiyadda iyo isgaadhsiinta ee Somaliland.

Heshiiskan oo nuxurkiisu yahay in la wadaago lahaanshaha xadhiga fiberka ah oo ah hanti qaran. Xadhigaas oo ay wada yeelan doonaan Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay heshiishka ku matalayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland iyo saddexda shirkadood ee kala ah:

1. SOMCABLE oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Geeddi.

2. SOMTEL oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Ducaale.

3. TELESOM oo uu metelayey Ganacsade Cabdikariim Maxammed Iid.

4. Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo uu u saxeexay Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi.

Geesta kale Saamiga ay ku heshiisyeen shirkadaha Isgaadhsiinta iyo dawladda JSL ee kaabayaasha xadhkaha Internet-ka ee Fiber-ka dhulka. Ka badda cid walba way keeni kartaa.

31.67% – Telesom
31.67% – Somtel
31.67% – Somcable
5.0% – Dawladda JSL oo ay wakiil ka tahay WI&T.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku bogaadiyay heshiiska taariikhiga ah ee dhexmaray shirkadaha iyo Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland ee ku qotoma Isfahanka iyo wada-shaqaynta.

Isagoo madaxwaynuhu uga mahadceliyey shirkadaha dalka maalgashaday iyo doorka ay ugu fadhiyaan qaranka oo ah mid lama illaawaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here