Xukuumadda Somaliland Barokaceyaal Raashin Ugu Qaybisay Yagoori  

0
436

Yagoori (Hargeisa Press): Xukuumadda Somaliland ayaa maanta caawimo Raashin ah gaadhsiisay dad baro-kaceyaal ah oo ku nool degmadda Yagoori, oo ka tirsan gobolka Sool.

 

Waxaanay noqonaysaa markiii labaad oo ay muddo todobaad ah gudihii xukuumadda Somaliland raashin caawimo ah gaadhsiiso deegaamo ka tirsan gobolka Sool.

 

Raashinkan caawimadda ah oo ay bixisay haayadda qoxoontiga, iyo baro-kaceyaasha Somaliland ayaa loogu tallo galay 1000 qoys, isla markaana ay ka faa’iidaysanayaan dad tiro ahaan gaadhaya ilaa 6000 oo qof.

 

Waxaana raashinkan ayaa la gaadhsiiyay dad ka mid ah qoysaskii ka soo baro-kacay xaaladda dagaala ee  ka taagan magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyo sidoo kale dad dan yar ah oo iyadna magaaladda Yagoori degan.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here