Hargeysa,(HargeisaPress) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Jamhuuriyada Somaliland Mudane Yoonis Axmed Yoonis oo uu wehelinayo Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta JSL Sareeye Guud Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), ayaa maanta Xabsiga Mandheera ka sii daayay Jamaal Maxamed Yuusuf oo ahaa maxbuus xidhnaa tan iyo sannadkii 2005-kii.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis oo door muhiim ah ka qaatay siidaynta maxbuuskan oo muddo 20 sanno xidhnaa ayaa maanta qoyskiisa ku wareejiyay.Siidaynta maxbuuskani waxa ay ka dhalatay ka dib markii uu wasiirka wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yoonis Axmed Yoonis uu kormeer ballaadhan ku sameeyay guud ahaan xabsiyadda dalka iyo maxaabiista ku xidhan.
Jamaal Maxamed Yuusuf oo ah Maxbuuska xorriyadiisa dib u helay ayaa u mahadnaqnay cid kasta oo ka shaqeysay siidayntiisa, waxaanu si gaar ah ugu mahanaqay wasiirka wasaaradda caddaaladda JSL.
Tallaabadani waxa ay muujinaysaa in xukuumadda wadajir iyo waxqabad ay ka go’an tahay kor u qaadista caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda bulshadu

















