Hargeisa – Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyey xidhiidh cusub la bilowday Waddanka Qatar, oo si weyn uga soo horjeeday Qaddiyada Somaliland, ayaa looga digay in xidhiidh ay la yeelanayso iyo si dhulka dhiga Dooxa in ay ujeeddo ka leedahay, sida uu aamisan yahay khabiir Rashiid Cabdi oo ka faalooda arrimaha Amniga iyo Siyaasadda ee Geeska Afrika.
Rashid Cabdi, oo bartiisa X, qoraal ku baahiyey ayaa sharaxay sababta keentay danaynta Qatar ee Somaliland wakhtigan
“Dedaalka Qatar ee ku wajahan Somaliland waxaa asal ahaan soo kiciyay doonista ay ka leedahay inay carqaladeyso fursad kasta oo Maraykanku ka dhisan karo saldhig ciidan oo Berbera ah.” Rashid Cabdi waxa uu intaas ku daray
” Haddii Berbera loo dhiso saldhig weyn oo Maraykan ah, oo ciidan badeed iyo ciidan cirka ah, waxa ay dhimi lahayd qiimaha istaraatiijiga ah ee saldhigga Al-Udeid, oo ah saldhigga ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Bariga Dhexe.”
Qatar ayaa welwel ka qabta in Saldhig Militeri oo Mareykanku ka samayso Somaliland
“Waa welwelkan ku saabsan muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland iyo suurtagalnimada in Maraykanku u wareego Somaliland mustaqbalka, taas oo cabsi ku ah xukuumadda Doha.” Ayuu yidhi Rashiid Cabdi
Somaliland ayaa Wefti Wasiirro ah dhawaan u dirtay Dalka Qatar, halkaas oo sida la sheegay ay kula kulmeen Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Qatar.
Xukuumadda ilaa imika kama hadal safarkoodii Dooxa.

















