Hargeysa (HargeisaPress)– Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasibad ballaadhan oo lagu soo dhaweynayay, isla-markaana lagu shaacinayay xubnaha u sharraxan hoggaanka Ururka Qareenada Somaliland.
Munaasibaddan lagu shaacinayay, laguna soo dhawaynayay xubnaha u tartamaya, ama u sharraxan jagooyinka ururka Qareenada Somaliland, ayaa waxaa ka qaybgalay Qareenada ka hawlagala dalka.
Qareenadaasi oo ka kala yimid gobollada dalka Somaliland oo ku dhawaad ahaa 100 Qareen, ayaa munaasabada soo dhawaynta ah u sameeyay musharixiinta u tartamaya hoggaanka Ururka Qareenada Somaliland.
Waxaanay xubnahan u tartamaya hogaanka Ururka, uu mid kastaaba soo bandhigay qorsheyaashooda.
Hase ahaatee, xubnaha musharaxiinta ah ee u tartamaya jagooyinka hoggaanka ururka Qareenada Somaliland, ayaa tiradoodu tahay 3 xubnood.
Musharixiinta soo dhawaynta loo sameeyay, ayaa kala ah Xasan Cali Xasan Banfas, oo xilka Guddoomiyenimo u taagan, Caydaruus Cali Cabdillaahi oo isna u taagan xilka Guddoomiye ku-xigeenka, iyo Siciid Cabdilaahi Xuseen (Geeljire) oo isna u sharraxan xilka Xoghayaha Guud Garyaqaannada.