Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, ayaa lagu riday ganaax lacageed, kuwaas oo soo gebagebeeyay olollaha ay soo wadeen muddo ku dhow saddex todobaad.
Gudidda anshaxa iyo xalinta khilaafaadka doorashooyonka, ayaa soo saaray maanta qoraal saxaafadeed ay ku sheegayaan ganaaxa lacageed ee labada xisbi ee ugu waaweyn oo si xamaasadaysan u samaynayay isu soo baxayo meelaha qaar rabshado kooban ka abuurayay, iyadoo masuuliyiinta qaarkood weedho dhiif leh dhegaha ugu ridayeen bulshada.
Gudidda anshaxa iyo xalinta khilaafaadka doorashooyinka, ayaa ganaaxyada u cuskaday xeerka anshaxa iyo xeerarka doorashooyinka Somaliland.
Waxaanay guddidu ay xisbiga KULMIYE ku xukumeen ganaax lacageed oo dhan 100 milyan oo shillinka Somaliland ah.
Sidoo kale, guddida ayaa waxaa ay xisbiga Waddani ay ku xukumeen ganaax lacageed oo dhan 50 milyan oo shillinka Somaliland ah.
Guddida, ayaa waxaa ay fareen xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, inay lacagta ku soo bixiyaan muddo 24 saacadood ah, hadii ay ku soo bixin waayaana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.