Xilliga La Bilaabayo Qorshe-Magaaleedka Hargeysa oo La Shaaciyay

0
861

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland, Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa maanta Shir-gudoomiyey kulan lagu go’aamiyey in la bilaabo qorshe Magaaleedka Magaaladda Hargeysa ee (Master Plan).

Kulankan waxa goobjoog ka ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Maxamuud Suldaan Aadan, Maayirka Caasimadda Hargeysa C/kariim Axmed Mooge, Maayir ku Xigeenka Caasimadda Khadar Axmed Cumar, iyo Guddiga Farsamo ee qorahe Magaaleedka Hargeysa.

Kulankan, ayaa intii uu socda waxa warbixin lagaga dhagaystay Guddiga Farsamo ee Hagaysa qorahe Magaaleedka loo sameynayo magaaladda Hargeysa, warbixintaas oo uu jeediyey Agaasimaha Naqshadynta Magaalooyinka ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng C/raxmaan Maxamed Aar, Isagoo sharaxay qaabka uu ku bilaabamayo Mashruucan, inta uu soconayo, wajiyadda kala duwan ee uu yeelanayo, iyo sida ay ugu talogashay Guddigu in qorshahani uu fulo.

Ugu danbeyn labadda dhinaca ee kala ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta iyo Dowladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, ayaa isla qaatay in Maalinta Arbacadda ah, Bishuna tahay 14-12-2022, ay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeyntu, ay si rasmiya u bilawdo Qorshe Magaaleedka Magaaladda Hargeysa.

Iyadoo ay ka hawlgali doonaan hawlwadeeno ka kala socda Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta iyo Dowladda Hoose ee Hargeysa.

Waxaana ay Go’aamiyeen in Mashruucan Wajigiisa hore oo noqonaya Xog-ururinya Qorshe Magaaleedka Magaaladda Hargeysa la bilaabo, kadibno loo gudbi doono hadhaw Fulinta Naqshadda Cusub ee ay yeelan doonto Magaaladda Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here