Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Kalsoonida kala laabtay Ra’iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed + SAWIRRO

0
1303
MUQDISHO, (HP) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta oo Sabti ah kalsoonida kala laabtay ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed iyo xukuumaddiisa, kaddib markii cod kalsoonida loo qaaday mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha oo baarlamaanka Somalia loo gudbiyay bishii hore.
2014126635534491226617642DSC09637

Mudanayaashii kulanka fadhiiyay oo tiradoodu ahayd 235 xildhibaan ayaa 153 ka mid ah waxay ogolaadeen in kalsoonida lagala laabto xukuumadda ra’iisul wasaaraha, halka 80 ay diideen in kalsoonida lagala laabto, iyadoo ay ka aamuseen laba mudane oo keliya.

Natiijada codeynta ayaa waxaa ku dhawaaqay kaddib guddoomiyaha baarlmaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dhinacyadiisa fadhiyaan labadiisa ku xigeen, iyagoo sheegay in codeyntu ay tahay mid ansax ahna xukuumaddiina kalsoonida lagala laabtay.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu muddo soddon casho ah kusoo magacaabo ra’iisul wasaarihii bedeli lahaa C/weli Sheekh, iyagoo sheegay in inta muddadaas ka dhiman ay xukuumaddu sii shaqeynayso.

lcsnap-2014-12-06-14h04m24s127

Mooshinka kalsoonida loogu diiday ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa waxaa bishii hore u soo gudbiyay baarlamaanka 138 mudane, kuwaasoo ra’isul wasaraha iyo xukuumaddiisa ku eedeeyay inay howshii gudan waday.

2014126635534488797250690DSC_0060

Ra’iisul wasaaraha kalsoonida lagala laabtay C/weli Sheekh ayaa isaguna horay u sheegay in mooshinka laga geeyay baarlamanka uu ahaa mid loogu daneynayo wasiir ay saxiibbo yihiin madaxweynaha Somalia oo uu ula jeeday Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed oo ah wasiirka garsoorka iyo dastuurka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul waasare C/weli Sheekh ayaa noqonaya ra’iisul wasarihii labaad oo kalsoonida uu kala laabto baarlamaanka Soomaaliya tan iyo markii xilka madaxnimo ee dalka loo doortay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here