Hargeysa (Hargeisa Press)- Shir-guddoonka aqalka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ay fariin wargelin ah u direen Xildhibaanada Golaha Wakiillada.
Shir-guddoonka aqalka Golaha Wakiillada, ayaa Xildhibaanada Golaha u diray warqad ku saabsan xilliga uu furmaayo kal-fadhiga 11-aad.
Hadaba, shir- guddoonka, ayaa mudanayaasha, faray in shaqada soo xaadiraan maalinta Isniinta ee ay bishu tahay 7/4/2025-ka.
Shir-guddoonka, ayaa Xildhibaanada ku adkeeyay, kuwa dalka jooga iyo kuwa dalka dibediisa jooga ee aan Golaha wax fasax ah ka haysan in ay soo galaan shaqadooda, isla-markaana ay wakhtiga dhawraan.