Hargeysa, (HargeisaPress) —Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta kalfadhi ay iskugu yimaadeen waxay cod gacan taaga ku ansixiyeen wasiirka ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed.
Waxaana kalfadhigan oo ay kasoo xaadireen 43 xildhibaan hogaaminayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo uu hareer fadhiyo ku xigeenkiisa.
Waxaana wasiirka ganacsiga Somaliland in la ansixiyo gacanta u taagay 41 xildhibaan halka hal xildhibaana ka aamusay,gudoomiyuhuna muu codayn.
Waxaana ay xildhibaanadu sidaas ku ansixiyeen wasiirka ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed.