Xildhibaanada Berbera oo Hadhimo-sharafeed Ku Maamuusay Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Arrimaha-Dibadda

0
1108

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xubno ka mid ah Xildhibaanada iyo Dhalinyarada ka soo jeeda gobolka Saaxil, ayaa maanta waxaa ay magaalada Hargeysa munaasibad hadhimo sharafeed ah ugu sameeyeen Agaasimaha guud ee cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Abokor Maxamed.

Munaasibada hadhimo sharafeedka oo ka qabsoontay Huteel Dily Dose, ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimeyaal, Xildhibaano, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo masuuliyiin kala duwan.

Waxaana munaasibada hadalo ka jeediyay masuuliyiintan kala duwan, iyagoona halkaasi ka jeediyay hadalo la xidhiidha dardaaran iyo hambalyo oo ay u jeedinayeen Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Masuuliyiinta, ayaa si qoto dheer ugu dheeraaday shaqsiyada Agaasimaha cusub iyo waxqabadkii uu ka soo qabtay Wasaaradihii kala duwanaa ee uu soo maamulayay iyo sida uga soo bixi karo shaqada Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here