Xildhibaan Qodax Oo Biyo Dhaamis Ka Sameeyay Salaxley iyo DDS Itoobiya

0
401

Salaxley (HP): Xildhibaan C/naasir Yuusuf Cusmaan, ayaa maalintii saddexaad caawimooyin biyood gaadhsiiyay deegaamo ka tirsan degmadda Salaxley iyo degaamo ka tirsan ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Caawimadaasi ayaana dhamayd 20 Booyadood oo biyo ah, kuwaasoo uu gaadhsiiyay xildhibaanku degaamo ka tirsan Salaxley, iyo sidoo kale jiidaha dhinaca Hawdka ee degmadda Salaxley.


Waa Jimcihii saddexaad oo uu xildhibaan Qodax, caawimadan biyaha gaadhsiiyo deegaamadda laga soo doortay, waxaanu xildhibaanku u kuur-galay xaaladda abaareed ee ka jirta deegamadaasi iyo nolosha bulshada ku dhaqan deegaamadaasi.
Isagoona indhihiisa ku soo arkay xaaladda abaaraha baaahsan ee ka jirta jiidaas, taasoo ah biyo la’aan iyo xaaladda nolosha bulshada oo qaarkood laga dayrinayo.


Xildhibaan Cabdinaasir Qodax ayaa isku gayn Booyadaha biyaha uu qaybiyay ay gaadhayaan 80-booyadood.
“Alxamdulilaah waxaan jimcihii saddexaad oo xidhiidh ah socdaal-dheer aanu ku gaala-bixiyay deegaanno hoos yimaadda Degmada Sallaxley iyo deegaanno kale oo ka tirsan dawlad degaanka Soomaalida.
Waxaan aan u kuur-galayay xaaladda abaareed ee ka jirta deegamadaasi iyo nolosha bulshada ku dhaqan, waxaanu indhahayaha kusoo aragnay abaaraha baaahsan ee ka jirta jiidaas, taas oo ah biyo la’aan iyo xaaladda nolosha bulshada oo qaarkood laga dayrinayo.
Waxaan gaadhsiiyay Deegamadaas deeq biyo ah oo ka kooban 20-booyadood. Deegaamada la gaadhsiiyay ayaa sidan soo socota u kala helay biyaha, iyadoo mid walba aanu ku dabaqaynay duruurfteeda biyo-la’aaneed” ayuu yidhi xildhibaan Qodax.


Isagoo faahfaahin ka bixinayay degaamadda uu biyaha gaadhsiiyay iyo tiradda booyadaha uu degaan walba gaadhsiiyay, waxa uu yidhi “Waxaanay kala ahaayeen deegaamada biyaha la gaadhsiiyay.
1. Karooska 1 BOOYAD.
2. L-celiyo 1 BOOYAD.
3. Kaam Xasan 1 BOOYAD.
4. Gufays 1 BOOYAD.
5. Cabdi Yuusuf 1 BOOYAD.
6. Iba-caanood 1 BOOYAD.
7. Balliga Cabdi 2 BOOYAD.
8. Kaam Liibaan 1 BOOYAD.
9. Celiyo (SARE) 2 BOOYAD.
10. Rabaso 3 BOOYAD.
11. Ina Guuxa 1 BOOYAD.
12.Burco-duuray 3 BOOYAD.
13. Qool-buulalle 2 BOOYAD”.
Geesta kale xildhibaan C/naasir Yuusuf Cusmaan (Qodax), ayaa fariin u diray cid kasta oo dadkooda tabaalaysan wax u tari kartaa in ay soo caawiyaan dawlad iyo shicib ba.
Xildhibaanka oo bulshada u khudbadeenayay deegaan kasta oo uu tago, ayaa bulshada u sheegayay in loo doortay u adeegidda bulshada, isagoo bulshadana ku booriyay in ay isu naxariistaan.
Sidoo kale, wuxuu ballan qaaday xildhibaanku in inta abaartu jirto aanay ka qoob qaadi-doonin oo ay wadi-doona gurmadka.


“ILAAHAY na SWT waxaan ka baryaynaa in uu abaarta inaga soo furto raxmaadkiisa inoo shubo. Xilkan waxaa lanoogu doortay in aanu idiinku adeegno, idina isu naxariista.
Waxaan halkan fariin uga duraya cid kasta oo dadkooda tabaalaysan wax u tari kartaa, in ay tarto dawlad iyo shiciba. Xilkan waxaa lanoogu doortay in aanu idiinku adeegno, idina isu naxariista” ayuu yidhi xildhibaan C/naasir Yuusuf Cismaan.


Dhinaca kale waxaa iyaguna dhankooda hadlay Odayaasha Deegamadaasi oo ka dareen-celiyay Deeqdan biyo ah, waxaanay u mahad-naqeen Xildhibaan Qodax, iyagoo ku tilmaamay xildhibaanka, Mudane la dareen ah dadkiisa, noqdayna Masuulkii u horreeyay ee inta ay doortaan dib ugu soo noqda.
Waxaa xusid mudan in xildhibaanku intii uu ku jiray socdaalka uu la kulmay qoysas noloshu ku adkaaday oon wax ay karsadaan waayay, kadibna uu gaadhsiiyay caawimo.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here