Hargeysa,(HargeisaPress)–Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in Alle naxariistii janno ha ka waraabiyee marxuum Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, oo ahaa Taliyihii Saldhiga Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa, kaas oo maanta shaqadiisa ku guda jiray la dilay.
Qoraal ka soo baxay ciidanka boolisku waxa lagu sheegay in sarkaalkaas loo dilay si argagax leh.
Boolisku waxa ay intaas ku dareen in askariga dilka gaystay oo tirsan isla Saldhiga Maxamed Mooge uu hadda ku jiro gacanta Ciidanka Booliska.
Waxa kaloo Ciidanku caddeeyeen in si degdeg ah loo horgayn doono Maxkamadda Ciidammada.
Geesta kalena, Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Taliye Kuxigeennada , Hoggaamada iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska JSL waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Ciidamada Booliska JSL, Qoyskii iyo qaraabada marxuumka.
Waxa ay Alle uga baryayaan inuu samir iyo iimaan saadiqa inaga wada siiyo, islamarkaana uu janadii Firdowsa ka waraabiyo.