Siyaasiga aad loo qadariyo Kishore Maxbuubaabi ee u dhashay dalka Singapore ayaa maqaal dheer oo ku saabsan xaalka cakarin ee haddana aad u liita ee Yurub maqaal dheer kaga qoray jariiradada Foreign Policy (FP).
Maqaalka oo aan soo koobnay waa sida hoose:
Waxa uu ku bilaabayaa asaga oo Yurub weydiinaya horta ma wax faa’iido ah baad ku qabtaan gaashaanbuurta NATO, mise isaga bixi kartaan. Waxa uu Yurub u sheegay in ay noqdeen mudeec Mareykan maantana kabihii aad awal dhunkan jirteen baa afka la idin kaga laaday.
Wuxuu kaloo Yurub u sheegay in siyaasadoodu tahay mid khariban, oo waxaad u qaadateen in Mareykankan waligiis idiin yahay saaxiib joogto oo la isku hallayn karo. War taariikhda barta oo ogaada in Mareykankan isku hallayn ka fogyahay buu ugu xijiyey.
Wuxuu Yurub kula taliyey saddex qodob:
1. NATO isaga baxa oo waxa tirilyan doolar aad Mareykan siin jidheen hadda dhaqaalihiina dib u galiya
2. La heshiiya Ruushka oo dariskiina ah, oo ogaada Ruushku innaba khatar idin kuma aha
3. Siyaasad la fahmi karo oo wax-ku-ool ah ula taga Shiinaha
Maqaalka oo faahfaahsan hoos ka sii akhri.
…
CAN EUROPE QUIT NATO?
It’s Time for Europe to Do the Unthinkable: QUIT NATO
By Kishore Mahbubani, Famed Singaporean Diplomat
KEY TAKEAWAYS
He argues that European leaders have become so pathetic by being obedient to Washington for too long to the point that “they are licking the boots that are kicking them in the face.”