Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka hadlay xadhigiisii iyo ujeedada laga lahaa

0
2463

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland, ayaa markii ugu horeysay ka waramay xadhigiisii, kadib markii dhawaan laga sii daayay xabsiga Mandheera.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa uu sheegay sida uu ku dooday in xadhigiisa ay looga dan lahaa in qalalaase laga rido gobolka Awdal.

Wuxuu sheegay in aanu jirin dembi uu galay oo uu xadhig ku mutaysan karay, lakiin buu yidhi xadhigiisu uu ahaa jid la doonayay in doorashada dib loogu dhigo, oo gobolka Awdal qalalaase lagaga abuuro, sida uu ku andacooday.

Xildhibaanka, ayaa sida uu ku andacooday wuxuu sheegay in la doonayay in gobolka Awdal laga rido colaad la mid ah tii Laascaanood, isla-markaana la damacsanaa buu yidhi in deegaankiisa la geliyo xaalad amni daro oo meesha ka saarta dooda siyaasadeed ee ay qabaan.

Waxaa uu ku dooday in aragtida uu qabo aanay ka leexin karin xadhig iyo caga juglayn, oo uu u dhiman karo, balse buu yidhi aanay ka suuroobin in aragtidiisa darteed uu dhiiga shacabka u daadiyo.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa waxaa uu sheegay in isagu uu reer Awdal u sheegay in aanay dhibsamayn, si aanay xukuumadu u helin marmarsiyo ay wakhtiga ku kordhisato.

Waxaanu ugu dambayntii uu baaq u diray shacabka gobolka Awdal, isagoona ugu baaqay in aanay maalinta doorashada cod siinin Madaxweyne Muuse Biixi.

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo xabsiga Mandheera laga sii daayay, halkaasi oo uu muddo 30 maalmood ah ku xidhnaa, ayaa la xidhay xilli uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, kadib markii uu ka soo laabtay magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu ku maqnaa muddo.

Xildhibaanka, ayaa hore u wajahayay eedeymo dhowr ah oo uu ka gudbiyay xafiiska Xeer-Ilaalinta Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaran-dumisnimo, sumcad dilka ciidanka, u-hiilin cadow, iyo ka-hor-imaanshaha danaha qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here