Xildhibaan Faratoon Saameyn Culus ayuu Ku Leeyahey Somaliland iyo dadkiisaba

0
648

Soomaaliddii hore Waxey odhan jireen ‘Nabsi Maalku Geediga Hayyinkuu Ku Guurraa’

Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(Faratoon), waxa kasoo wareegay Mudo Ku siman sanad iyo shan bilood kadib markii ay ku tartameen Kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif, oo ugu dambayntii sheegay inaannu daacad u aheyn marnaba Somaliland iyo jiritaankeeda hadduu Wasiir kasoo noqdey iyo haddii uu olole xoogan ku fuuley hogaaminta shirgudoonka Golaha labadaba.

Sikasta Sikasta oo ay arintaasi u dhacdey Xildhibaanka oo ahaa mudanihii u weynaa ee ragga deyrtan loo soo doortey, Mudanayaasha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland wuxuu u samrey si milgo sharaf iyo maamuus leh isagoo ku iimaan qaba natiijada lagaga guuleystay, iyaddoo mudanayaashii la socdey ee axdiga kula galey codsiintu ay ka codeeyeen sifo kasta oo ay kaga beydheen taas oo aannu maalin kaliya saluug ka muujinin dhinac kasta xataa haddey tahey ololihiisa dhinaca Xukuumadda.

Waxaa been ah, oo aan Marnaba caqli gal aheyn, Aragtida Mucaaridka, ee Ku xidhiidhsan wali rabitaanka Cabdirisaaq Khaliif ee ay dhabarka iyo adhaxda kaga jabeen oo ah in kursiga Shirgudoonka lasiiyo Reer awdal, taas oo macne ahaan noqonaysa inaannu qoto dheerayn damacooda hogaaminta Somaliland.

Marka maanta loo eego tartanka iyo fursada mar labaad miiska usaaran ma aha mid ku timid siyaasad iyo hawlgal culus ee waa nabsi maal samirkiisa iyo daacadnimadiisu gudoonsiisay, taas oo tusaale u ah in illaahay garansiiyay kitaabka uu ugu dhaartey dalkiisa Somaliland iyo dadkiisaba waxaanney muujinaysaa inaann hadiyada Eebe Waxba lala maseyn karrin taas oo tusaale u ah Ragga Damaca ka leh dalkan dhawaana waxaa curan doonta Sida uu Saameynta ugu Leeyahey dalkiisa iyo dadkiisa Reer Sool oo usoo noqda aaminaadiisa iyo Mustaqbalka uu la jecelyahey.

 

Wariye Cabdirahmaan Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here