Xiisada Webiga Abay Ee U Dhaxaysa Itoobiya iyo Masar oo Qarka U Saaran Inay Dagaal Isku Bedesho

0
2143

Addis Ababa (Hargeisa Press)— Waxa heerkii ugu saraysay maraysa xiisada Biyo xidheenka Abay ee u dhaxaysa Masar iyo Itoobiya oo qarka u saaran in ay dagaal isku badasho.

Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya General Adem Mohammed iyo Taliyaha Ciidamada Cirka, Brig Jeneral Yilma Merdassa iyo Saraakiisha ugu sareysa Milatariga Ethiopia oo qayb ka ah Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiy ayaa booqday goobta laga dhisayo biyo xidheenka Abay.

Taliyaha ciidamada Itoobiya General Adem oo madashaas ka hadlayay ayaa yidhi “Waxaan diyaar u nahay in aan ka hortagno weerar kasta oo nalagu soo qaado,Wixii weerara waxaanu samayn doona aargoosi”. Ayuu yidhi General Adem.

Major General Yilma Mardasa oo isna madashaasi ka hadlay ayaa yidhi “Weerar kasta oo dhanka cirka lagasoo qaado waan difaacaynaa,Ciidamada cirka ee aagan waxay ku jiraan heegan” ayuu yidhi Major General Yilma.

Sidoo kale, Wafdi uu hogaaminayo Taliye ku xigeenka ciidamada Itoobiya General Birhanu Julla ayaa gaadhay dalka Sudan,waxayna Raysal Wasaaraha dalkaas Abdala Hamdok Gaadhsiiyeen fariin ay Abiy Ahmed uga waddeen.

Itoobiya ayaa wafuud sarsare oo kala duwan u dirtay dalalka dunnida si ay uga hesho taagero la xidhiidha khilaafka biyaha.

Wafdi sarsare oo ay horkacayso Madaxwaynaha dalka Itoobiya Sahle Work Zowde ayaa gaadhay dalka Kenya, War murtiyeed laga soo saaray kulan ay la qaadatay Madaxwayne Uhuru Kenyata ayaa lagu caddeeyay innay Kenya garab iyo gaashaan unoqon doonto Itoobiya.

Madaxwaynaha dalka Itoobiya ayaa waxaa uu sidoo kale booqan doonaa dalal kale.

Sidoo kale Wefti uu Hogaaminayo Madaxwaynihii hore dalka Itoobiya Dr Mulatu Teshoma ayaa isna u amba baxay qaarada Yurub si ay dalalkaas taagere uga helaan.

Waxay kulamo la qaadan doonaan madaxda Midawga Yurub iyo madaxda Faraniiska.

Wasiirka Macdanta Waraabka iyo Biyaha Itoobiya Engineer Sileshi Bekele ayaa sheegay inay dhamaystireen qorshihii lagu bilaabi lahaa buuxinta biyaha Wabiga Abay.

Arintan ayaana lidi ku ah go’aankii Maraykanka ee ahaa innaanay Itoobiya biyaha buuxin karin ilaaa ay heshiiska saxeexdo.

Masar ayaa ka cabsi qabta in Balaadhinta dawlada Itoobiya ku wado biyo xidheenka Abay ay saamayso qulqulka biyaha wabiga ugu dheer Afrika.

 

Wariye: Khadar Mohamud/HARGEISA PRESS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here