Xarunta ololaha Xisbiga Kulmiye ee Degmada 26 -juun oo xadhiga laga jaray

0
833

Hargeysa (Hargeisa Press)- Masuuliyiinta Xisbi xaakimka talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa xadhiga ka jaray xarunta guud ee ololaha xisbiga Kulmiye ee degmada 26 June ee magaalada Hargeysa.

Munaasibada xadhig ka jarka xarunta guud ee ololaha ee xisbiga, ayaa waxaa xadhiga ka jaray masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolka Maroodi-jeex, agaasimeyaal, xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.

Madaxda xisbiga iyo masuuliyiinta xukuumadda, ayaa hadalo isugu jira dardaaran iyo dhiiri gelin ka jeediyay madasha xadhig ka jarka xarunta ololaha xisbiga ee degmada 26 June.

Waxaanay masuuliyiintu ku wacyi geliyeen dadweynaha degmada 26 June, in ay ka qayb qaataan doorashada, isla-markaana ay codkooda ugu hiiliyaan xisbiga Kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here