WFP iyo UNEP Oo Kala Saxeexday Heshiis Wax Lagaga Qabanayo Isbedelka Cimiladda

0
271

Nairobi (HP): Haayadaha WFP iyo UNEP, ayaa maanta heshiis ku kala saxeexday magaaladda Nairobi, ee caasimadda Kenya.

Haayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) iyo Barnaamijka Deegaanka ee Qaramada Midoobay (UNEP), waxay kala saxeexdeen heshiis wax lagaga qabanayo saamaynta daran ee dhibaatooyinka ama xasaradaha cimilada.

Xaalufka deegaanka, kala duwanaanshaha noolaha iyo hab nololeedka deegaanka ee luminaya sugnaanta cuntada iyo biyaha ee adduunka.

Heshiiskaas oo ay qalinka ku wada duugeen Cindy McCain, Agaasimaha Fulinta ee WFP iyo Inger Andersen.

Agaasimaha Fulinta ee UNEP ayaa dhanka kale gacan ka gaysan doona horumarinta iskaashiga ku saabsan la qabsiga isbeddelka cimilada, hababka cuntada ee dabiiciga ah, maareynta kheyraadka biyaha iyo soo celinta nidaamka deegaanka.

Cindy McCain, Agaasimaha Fulinta ee WFP ayaa sheegtay in cuntada iyo biyuhu ay yihiin kuwa wada socda, loo na baahan yahay in dib loo soo celiyo hab nololeedkeenna.

Kor na loo qaado barnaamijyadda la qabsiga isbadelka cimiladda si loo sugo baahiyaha facyaasha ama jiilasha dambe.

Inger Andersen, Agaasimaha Fulinta ee UNEP ayaa iyaduna dhankeeda xustay in iskaashigani abuuri doono saamayn dhab ah oo macno leh.

Taas oo kor u qaadi doonta yareynta saamaynta isbadelka cimiladda, xoojina doonta la qabsigiisa, isla-markaana abuuri doonta qorshe lagu taageerayo dadka nugul si ay isaga caabiyaan dhibaatooyinka ka dhasha xasaradaha bini-aadanimo iyo deegaan.


Geesta kale labadan haayadood ayaa sheegay in ay la shaqayn doonaan bulshooyinka maxalliga ah, dawladaha hoose iyo kuwa qaranka, haayadaha gobolka, la-hawlgalayaasha Qaramada Midoobay iyo daneeyayaasha kale si loo horumariyo ammaanka cuntada, biyaha iyo deegaanka ee bulshooyinka nugul.

Iyadoo la waafajinayo xogta iyo talooyinka sayniska ee gacanta ka gaysanaya dib u soo celinta nidaamka deegaanka ee xaalufay, ficilada la qabsiga isbadelka cimilada, iyadoo bulshooyinkaas lagu taageerayo dhaqamada beeraha waara.

Xigasho: Somaliland News Agency.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here