Weftigii Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo soo gabagabeeyay socdaalkii gobolada dalka

0
590

Hargeysa (Hargeisa Press)– Wefti uu hoggaaminayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdisalaan Maxaamuud Ducaale (Ilkacase), ayaa soo gabogabeeyay socdaal shaqo oo ay ku tageen gobollada Sanaag, Togdheer, Saaxil, Awdal iyo Gabiley.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Cabdisalaan Ilkacase, ayaa sheegay in socdaalka ay ku soo mareen gobollada dalku uu ahaa mid xaqiiqo raadin ah oo ay ku sugayeen tirokoobka shaqaalaha wasaaradda ee ka hawlgala gobollada dalka.

Wuxuu Agaasimaha guud ee Warfaafintu uu caddeeyay inay u dhabogaleen hannaanka shaqo ee hawlwadeennada wasaaraddu ka wado gobollada dalka iyo diiwaangelinta hantida iyo agabka wasaaradda.

Agaasimaha guud wuxuu u mahadceliyay iskuduweyaasha iyo hawlwadeennada Wasaaradda ee gobolladii ay socdaalka ku mareen oo uu tilmaamay inay ka xog warraysteen shaqada ay gacanta ku hayaan.

Agaasime Cabdisalaan Ilkacase wuxuu ballanqaaday in wixii baahi daruuri ah ee ay ku soo arkeen gobolladii ay mareen ay madaxda wasaaraddu wax ka qaban doonto inta awooda dhaqaale saamaxdo.

Socdaalka iyo kormeerka, Agaasimaha guud ku soo maray gobollada dalka oo qaatay muddo lix maalmood ah, waxa ku wehelinayey agaasimaha cudduda shaqaalaha iyo agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka wasaaradda warfaafinta, Khadar Xuseen Siciid iyo Khaalid Axmed Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here