Hargeysa (Hargeisa Press)- Wefti heer sare ah oo ka socday dalka Mareykanka oo booqasho shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland, si loo xoojiyo iskaashiga amniga iyo Difaaca u dhexeeya labada dawladood, ayaa waxaa ay maanta soo gaadheen caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Weftiga waxa hoggaaminayay Danjire Richard Riley, isla markaana waxa ka mid ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) Jeneraal Michael Langley, saraakiil sarsare oo ka mid ah Ciidamada Mareykanka iyo Diblomaasiyiin culus.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay wehelinayeen Golaha Wasiirrada, ayaa weftiga Mareykanka ku qaabiley Madaxtooyada.
Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga, ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo wax-ku-ool ah oo muhimmad gaar ah u leh labada dal, gaar ahaan xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca.
Booqashada ay Weftiga Mareykanku ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay muujinaysaa sida ay Somaliland uga go’an tahay adkaynta difaaca, amniga, ganacsiga, iyo iskaashiga u dhexeeya labada dhinac.
Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland waxa ay si weyn u soo dhaweynaysaa socdaalka ay weftigii ka socday dalka Mareykanku ay ku tageen magaalo-xeebeedka isteraatejiga ah ee Berbera, si ay u qiimeeyaan tayada kaabayaasha lagama maarmaanka u ah xoojinta awoodda amniga iyo difaaca, maadaama Dawladda Mareykanka ay ka go’an tahay ilaalinta xasilloonida mandaqadda.
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si weyn ugu mahad-naqaysaa danaynta Dawladda Mareykanka iyo hagar baxa ay la garab taagan tahay nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay adkaynaysaa in la sii wado lana xoojiyo iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga u dhexeeya labada dhinac.