Wasiirka Maalgashiga Somaliland oo Qaabilay Wefti Ka Socday Dubia

0
1024

Hargeysa (Hargiasa Press)- Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Mudane Cabdi Cismaan Dhaga-wayne, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti maalgashadayaal ah oo ka socday shirkada Ashour Group of Companies Dubai.

Wasiirka waxaa kulankaasi ku weheliyay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cismaan Siciid.

Waxaanay labada masuul weftigan ka socday Shirkada Ashour Group of companies Dubai kala hadleen arrimo khuseeya maalgashiga.

U jeedadda kulankaasi, ayaa isugu jiray dhawr qaybood oo kala duwan. Kuwaasoo kala ahaa.

1.Soo dhaweyn iyo Isbarasho.

2. Soo bandhigidda xogta kahryraadka dihin ee dhulkeena ee ubaaahan in lamaalgashado.

3. Xoojinta wada shaqaynta Wasaaradda iyo Maalgashadayaasha shisheeye.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here