Wefti ka socda Somaliland oo u safraya dalka Itoobiya

0
10838

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Wefti balaadhan oo ka socda dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa la filayaa inay u safraan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Weftigan dowladda Somaliland ee u safraya Itoobiya, ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka wasaaradda arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

Waxaana ay weftigani gogol xaadh u noqon doonaan heshiishka is-fahan ee badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo la filayo in loo beddelo heshiis rasmiya.

Booqashadan, ayaa la filayaa in ay noqoto tallaabadii ugu dambeysay ka hor inta aan si rasmi ah loo dhaqan gelin heshiiskii is-fahan (MoU) ee u dhaxeeyay labada dal ee deriska ah si loo gaadho heshiis sharci ah.

Somaliland iyo Itoobiya, ayaa ku rajo weyn inay ku dhawaaqaan hirgelinta iyo meelmarinta heshiiskii is-fahan ee labada dal dhexmaray.

Guddi farsamo oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u saaray inay soo falanqeeyaan heshiiskan is-fahan isla markaana qiimayn ku sameeyaan aaraa’da bulshada soona gudbiyaan talo bixinta ugu dambaysa, ayaa dhawaan soo gabagabeeyay warbixintooda.

Heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, ayaa la rajaynayaa inuu wax ka beddelayo jawiga juquraafi iyo ka siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika, marka la eego muhiimadda uu saldhigga Ciidamada Badda ee Itoobiya uu u leeyahay amniga marinnada badda cas iyo gacanka cadmeed.

Warbixino kala duwan, ayaa lagu soo badhigay heshiisyo hore oo Mareykanka iyo Soofiyeedkuba ay ku garwaaqsadeen qiimaha istiraatijiyadeed ee Somaliland iyagoo gegida diyaaradaha ee magaalada Berbera u isticimaali jiray Saldhig Ciidan.

Waxaana lagu sheegay in heshiisyadaas taariikhiga ahi ay dhammaantoodba ka marag kacayaan kaalinta ay Somaliland ku leedahay quwadaha waaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here