Wefti Culus oo Ka Socda Somaliland oo Safar Ugu Baxay Taiwan

0
424

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wefti culus oo ka socda jamhuuriyadda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa galabta safar shaqo ugu baxay dalka Taiwan.

Waxaana weftigaasi wasiirka khaarejiga ku wehelinaya wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire, wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cumar Cali Cabdilaahi iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.

Weftigan oo maanta gelinkii danbe ka dhoofay garoonka diyaaradaha Hargaysa, aa la filayaa in weftigaasi ay maalinta beriya gaadhi doonaan caasimadda dalka Taiwan.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war kooban lagu baahiyay bogga Facebook ee wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan.

“Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan, waxay aad ugu faraxsan tahay inay soo dhawayso weftiga #Somaliland ee uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Essa Kayd Maxamuud, oo ay weheliyaan Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire.
Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cumar Cali Cabdilaahi iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed wuxuu imaan doonaa Taiwan berry.” Ayaa lagu yidhi warkaasi.

Waxa kaloo warka lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Somaliland uu la kulmi doono madaxweyne Tsai Ing-wen, waxaana uu la kulmi doonaa oo casho la qaadan doonaa wasiir Joseph Wu iyo madaxda kale ee dowladda.

Geesta kale, booqashadan ay weftiga ka socda Somaliland ku tegeen Taiwan ayaa loo arkaa mid fursad weyn oo lagu xoojiyo iskaashiga labadda dal ka dhexeeya.
“Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan, waxay rajaynaysaa in booqashadu ay noqoto fursad wanaagsan oo lagu xoojiyo iskaashiga ganacsiga, caafimaadka bulshada, beeraha, waxbarashada iyo horumarinta kheyraadka ee qaranka Afrika”.

Dhinaca kale, waa booqashadii u horaysay oo wefti sidan u balaadhan oo ka socda Somaliland ay ku tagaan dalka Taiwan, tan iyo markii ay xidhiidhka saaxiibtinimo wada yeesheen labadda dal sanadkii 2020-kii.

Taiwan ayaa Somaliland ka taageerta arrimo badan oo dhinaca horumarka ah sida beeraha, waxbarashadda, caafimaadka, tignoolajiyadda iyo waxyaabo kale.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here