Wefti ballaadhan oo ka socda Somaliland oo booqasho ku tagey Taiwan

0
2172

Taipei (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal iyo wefti miisaan leh oo uu hoggaaminayo, ayaa booqasho shaqo ku tagay dalka Taiwan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa waxaa socdaalkan ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Admiral Axmed Hurre Haariye, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dibedda Ambassador Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, Lataliyaha Madaxa Diblomaasiyadda ee Madaxtooyada, iyo masuuliyiin kale.

Waxaa weftiga Somaliland garoonka diyaaradaha ee Caasimadda dalka Taiwan ee Taipei ku qaabilay madax sare oo ka tirsan dalkaasi, waxaana halkaasi warbaahinta kula hadlay Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaale, isagoo dowladda Taiwan uga mahadceliyay martiqaadka ay u fidisay weftigiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday in Taiwan ay tahay saaxiibka muhiimka ah ee Somaliland, labada dhinacna ay wadaagaan hal qiyam iyo fikrad.

Weftigan ka socda Xukuumadda Somaliland muddada ay booqashada ku joogaan dalkaas waxay la kulmi doonaan Madaxweynaha Taiwan Lai Ching-te, Xoghayaha Guud ee Golaha Amniga Qaranka Wu Chao-xie, Wasiirka Arrimaha Dibedda Lin Chia-lung, waxaana martigelin doona ku xigeenka Wasiiru Dowlaha Taiwan Wu Chih-chung.

Weftigan Somaliland, ayaa qallinka ku duugi doona heshiiska iskaashiga ilaalada xeebaha oo u dhexeeya Dawladaha Somaliland iyo Taiwan.

Weftigu waxa kale oo ay booqan doonaan hay’adda iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta, si ay isku dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan xaaladda guud ee iskaashiga laba geesoodka ah ee Taiwan iyo Somaliland iyo horumarka mustaqbalka.

Dawladda Taiwan, ayaa ballanqaaday inay sii xoojin doonto iskaashiga muhiimka ah ee ay la leedahay Somaliland, sida waxbarashada, caafimaadka, beeraha, warfaafinta iyo isgaadhsiinta, amniga, tamarta iyo macdanta.

Labada dal ee Somaliland iyo Taiwan, ayaa halgan ugu jira sidii ay aqoonsi buuxa uga heli lahaayeen dunnida dimuquraadiga ah, waxaanu xidhiidhka labada waddan bilaabmay sannadkii 2020-kii.

Weftigan ka socda Xukuumadda Somaliland ee ka dhalatay xisbiga Waddani ayay u tahay markii koowaad ee ay booqasho ku tagaan dalka Taiwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here