Wefdi Ka Socda Dalka Uganda oo Somaliland Ku Soo Wajahan

0
2605

Kampala (Hargeisa Press) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in wefdi ballaadhan oo xaqiiqo raadin ah oo ka socda dalka Uganda ay dalka iman doonaan.

Wasiir Ciise Keyd, ayaa waxaa uu sidoo kale uu bogaadiyey dedaalada Wakiiladda Somaliland ee wadamadda caalamku ugu jiraan abuuritaanka xidhiidho adag oo waxtar weyn leh oo dhexmara Somalilan iyo wadamada caalamka.

Dr. Ciise Keyd oo qoraal ku baahiyay bartiisa twitter-ka, ayaa waxaa uu soo dhoweeyay kulamo wakiilka Somaliland ee dalka Ugandha, Xamse Xaaji Dool la yeeshay xildhibaanada dalka Uganda.

Fariintaa ayuu Wasiir Dr. Ciise Keyd ku yidhi, “Xafiisyadayada Somaliland ee caalamku waxay aad ugu hawlanaayeen sidii ay xidhiidh adag ula samayn lahaayeen dalalka ay martida u yihiin, waana wax aan ku faanayno.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa hadalkiisa raaciyay, “Wakiilkayaga Somaliland u fadhiya Uganda Xamse Xaaji Dool ayaa kulan uu ku wehelinayay Xildhibaan Qaasim Saleebaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland la yeesheen xildhibaano u dhashay dalka Uganda, Waxayna ka wadahadleen xoojinta wada shaqaynta labada gole iyo wefdi xaqiiqo raadin ah oo Somaliland iman doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here