Wefdi Baarlamaanka Somaliland Ka Socda oo Kulan La Yeeshay Xildhibaanada UK

0
1513

London (Hargeisa Press) –  Wefdi ka socda Baarlamaanka Somaliland oo uu hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Siciid Mire Giire iyo Safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska, ayaa waxaa ay kulamo la yeesheen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka UK.

Guddoomiye-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Somaliland Siciid Mire Giire oo kulankaasi ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inay golaha Wakiiladda ku dabakhi doonaan macluumaad ay ka korodhsadeen dalka Ingiriiska, diyaarna u yihiin inay uuga faa’iideeyaan Golaha Wakiiladda iyo Qaranka Somaliland.

Gudoomiye ku xigeenka iyo wefdi xildhibaano uu hogaaminayey oo socdaal ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa ka qeybgalay munaasibad lagu qabtay xafiiska Safaarada Somaliland ee Ingiriiska oo lagu soo casuumay Ganacsato iyo xildhibaan ku takhasusay arrimaha Waxbarashada iyo Xuquuqal Insaanka.

Safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska Cabdi Cabdillahi Xirsi (Dayaxweerar) iyo hawlwadeenada Xafiiska Somaliland ee UK oo kulanka soo qabanqaabiyey, ayaa wefdiga xildhibaanada iyo Xubnaha Ganacsatada iyo khabiirka kaga doodeen mowduucyada kala ah horumarka Dimoqraadiyadda, horumarka iyo Geedi-socodka nabadgelyadda somaliland.

Safiir-xigeenka Safaarada Somaliland ee Boqortooyadda Ingiriiska Daahir Tukaale, oo faahfaahin ka bixiyey ujeedada kulanka iyo waxii lagaga hadlay, ayaa sheegay, in xildhibaanadii dalka ka yimi oo u hogaaminayey Gudoomiye-xigeenka kowaad Siciid Mire Gire, xildhibaan Cabdillahi maxamed, xildhiban maxammed xuseen, xildhibaan saalax maxamed ay kulan la qaateen Lord Mcneil, oo ah khabiir, xuquuqal-insaanka iyo Waxbarashada, iyo xubno kale oo maalgashiga ah.

Md. Tukaale, ayaa hadalkiisa raaciyey inay Sharaf u ahayd isaga Safiir Cabdi iyo hawlwadeenada kale in wefdiga Wakiiladda iyo xubnaha kale khubaradu ku soo booqdaan Safaarada, una soo badhigno waxqabadka xafiiska iyo qorshayaashiisa mustaqbalka.

Xildhibaan Maxamed xuseen Rambo oo faahfaahin ka bixiyey kulan ayaa sheegay Lord Michael oo ka mid ah saaxiibada Somaliland oo dhinaciisa ka hadlay kulan ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo Safiirka md. Dayaxweerar martiqaadka isaga iyo xubnaha kale, oo xubno Wakiilada Somaliland goobjoog ahaayeen.

Lord Michael ayaa hadalkiisa raaciyey inuu ku soo bandhigay xidhiidhka waxbarashada iyo nabadda, xuquuqal-insaanka, oo si weyn xildhibaanada iyo Safiirku u soo dhoweeyeen, kuwaa soo wax weyn ka tari doona isku-xidhka iyo wadajirka bulshada Somaliland. Waxaan rajeynayaa inaan sii horumarino lana kaashano Wasaaradda Waxbarashada.

Gudoomiye-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Siciid Mire Gire oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay kulan la yeesheen khubaro dalka Ingiriiska ah, oo nala wadaagay mowduucyo xuquuqal-insaanka iyo nabada iyo shuruucda, doodo badan ayaan ka yeelanay, sidii aanu shaqada golaha ugu dabakhi lahayn, waxaanan rajeynayanaa inaan ka korodhsanno booqashada qabyada ka jirta dalka iyo waxyaalaha u baahan inay kaga deydaan sig ole ahaan iyo qaran ahaan uga faa’iideystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here