Waxqabadka Xukuumadda Somaliland ee Horumarinta Adeegyada Biyaha iyo Sahaminta Ilo-biyood Cusub

0
887

Wasaaradda Biyaha Somaliland oo dalka ka hirgelisay mashaariic waxqabad iyo kaydad biyood oo wax kataraya abaaraha soo noqnoqda

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (HargeisaPress)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabooyin muuqda oo horumarineed oo lagu kobcinayo adeegyada biyaha ee dalka, iyadoo si gaar ah diiradda u saareysa baahiyaha bulshada, la tacaalidda biyo-yaraanta, xoojinta adkeysiga bulshada xilliyada abaaraha iyo kor u qaadista tayada nolosha dadka reer miyiga iyo magaalooyinka waaweyn. Waxaa si gaar ah loo dareemayaa dadaalka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha (WHKB) ee uu hoggaamiyo Wasiir Abubakar Cabdiraxman Good, taas oo ah tiir muhiim ah oo ka mid ah siyaasadda horumarineed ee xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Dowladnimada casriga ah ee ku dhisan hannaan aqooneed, hufnaan, isla xisaabtan, iyo adeeg bulsho ayaa astaamo cad u ah sida ay xukuumaduhu uga jawaabaan baahiyaha nolosha aas-aasiga ah ee muwaadiniinta. Sidaa darteed, Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha, waxa ay dalka hirgelisay mashruucyo horumarineed oo miisaan leh, kuwaas oo si toos ah uga jawaabaya baahida biyaha ee deegaannada miyiga iyo magaalooyinka.

Warbixintan Wargeyska Dawan, waxay si rasmi ah u falanqaynaysaa waxqabadka muuqda ee xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinacyada horumarinta adeegyada biyaha, taas oo aynu ku salaynayno mabaadi’da qaran ee qorshayaasha waxqabadka qaran iyo qorshayaal wax-ku-ool ah, kuwaas oo la jaanqaadaya xaqiijinta yoolalka horumarineed ee xukuumadda waxqabad iyo wadajir.

Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha (WHKB), ee ay hoggaaminayaayn, Wasiirka, Agaasimaha guud iyo hawl-wadeenada kale ee wasaaradda, ayaa noqotay tiir-dhexaad muhiim ah oo ka mid ah fulinta siyaasadda horumarineed ee xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Waxaanay muddo kooban gudaheed hirgelisay horumar baaxad leh oo la xidhiidha sidii bulshada JSL ay u helilahaayeen biyo nadiif ah iyo horumarinta adeegyada biyaha ee dalka ah. Waxqabadkani wuxuu muujinayaa go’aan adag, qorshe cad, iyo waajibaad dowladeed oo ka jawaabaya baahiyaha aas-aasiga ah ee shacabka, gaar ahaan xilliyada abaaraha iyo deegaanka miyiga ah ee nugul.

Xukuumaddu waxay dejisay qorshayaal iyo istiraatiijiyad cad oo ku dhisan qodista ceelal cusub, biyo-xidhoono waaweyn, Baliyo, sahaminta ilo biyoodyo cusub oo la isku hallayn karo, iyo dayactirka ilaha biyaha ee hore u fadhiyay, iyo ballaadhinta kaabayaasha kaydka biyaha, kuwaas oo ujeeddadooda guud ay tahay In la xaqiijiyo helitaanka biyo nadiif ah oo joogto ah, In la yareeyo nuglaanta bulshada reer miyiga ah xilliyada abaaraha iyo In la taageero horumarka magaalooyinka iyo kobaca dhaqaale ee dalka.

Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ayaa dalka ka hirgelisay biyo-xidheeno, ceelal dhaadheer, ceelal gaagaaban, barkado, iyo dhaam biyoodyo, iyada oo la tixgelinayo doorkooda nololeed ee bulshada reer Somaliland. Waxqabadkan waxaa lagu fuliyay dhammaan gobollada dalka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray goobaha ugu daran ee ay ka jirto biyo la’aantu ama u nugul xaaladaha abaaraha.

Hirgelinta Ceelal Cusub oo Istiraatiiji ah

Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha oo ka wakiil ah Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaaminayo madaxweyne Cabdiraxmaan maxamed Cabdillaahi Cirro waxa ay hirgelisay ceelal badan oo casri ah oo ay ka mid yihiin: Ceelasha Qoryaale, Riyo-Xidho, Burco, Oodweyne, Ceel-dheere, Beeyo-gulaan, Xariirad, Berbera, Magaalo-cad, ceelka Osoli, Hilowle, Ido-cadays, Karuure, Jir-jirka, Korjiga iyo ceelasha Ceerigaabo (1aad, 2aad, 3aad). Ceelashan waxa la socda dhammaan qalabkii farsamo ee lama huraanka u ah shaqadooda. Waxayna astaan u yihiin geeddi-socod qorshaysan oo dhinaca biyaha ka baahi tiraya kumannaan qoys.

Kobcinta Kaydka Biyaha: Dhaam Biyood, Barkado iyo Baliyo:

Xukuumaddu waxay xoogga saartay helidda kayd biyoodyo waaweyn oo qayb ka qaata adeeg biyood oo waara, si looga hortago abaaraha iyo biyo-dhaamiska soo soo noqnoqda, waxaana ka mid ah dhaamamkaas ay xukuumaddu samaysay kuwa laga hirgeliyay deegaannada Taalabuur (Togdheer), Xaaxi (Daadmadheedh), Naq-dhamiijo (Togdheer), Boodhlay, Garabis, Qoton-dabo, Dacar-budhuq, Biyo-Fadhiisinka iyo 10 barkadood oo casri ah kuwaas oo laga hirgeliyay Gobolka Togdheer, si toos ahna loogu wareejiyay bulshada. Sidoo kale waxaa la dayactiray Baliga Labi-sagaale iyo Baliga Magaalo-cad (1aad iyo 2aad).

Mashruucyadani waxay astaan u yihiin xoojinta kaabayaasha deegaanka iyo joogtaynta nolosha reer guuraaga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadan Cabdillaahi ayaa sidoo kale, Arbacadii todobaadkan si rasmi ah u dhagax-dhigay dhaam cusub oo ay yeelan doonto degmada Gara-dag ee gobolka Sanaag, sidoo kalena waxa uu soo kormeeray dhaam biyood labaad oo laga hirgeliyay Ceel-afwayn, mashaariicdaas oo laga maalgeliyay miisaaniyadda qaranka. Taas oo ah tusaale cad oo ka turjumaya ujeeddada xukuumadda Somaliland ee ku aaddan ballaadhinta adeegyada biyaha, gaar ahaan deegaannada ay abaaruhu sida joogto ah u saameeyaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Mudane Aadan Cabdillaahi, oo hoggaaminaya safarkan shaqo ee gobolka Sanaag, ayaa muujiyay sida ay Wasaaradda uga go’antahay in baahiyaha bulshada loo beddelo mashaariic wax ku ool ah, iyadoo aan la sugaynin taageero iyo dhaqaale dibadeed. Dhaamamkan cusub ee Gara-dag iyo Ceel-afwayn. Waa calaamad muujinaysa in miisaaniyadda qaranku noqotay halbowle wax-ku-ool ah oo lagu maalgaliyo horumar toos u taabanaya nolosha muwaadiniinta.

Dayactirka Ceelasha Taariikhiga ah iyo Soo-nooleynta Ilaha Biyaha:

Waxaa si gaar ah loo dayactiray ceelal muhiim ah oo muddo dheer aan shaqaynaynin, taas oo muujinaysa fulin dhab ah oo ku salaysan ilaalinta hantida qaranka. Waxa dayactir lagu sameeyay ceelasha: Coodanle, Qorulugud, Indha-biraale, Ceel-gaal, Dararweyne, Ceelka Balidhiig, ceelasha Ceel-lahelay, Garba-dadar iyo qodista 5 ceel-gacmeed oo laga bilaabay Dayaxa.

Warshadaha Biyo-macaanaynta:

Xukuumaddu waxay bilowday qorshe ballaadhan oo lagu xoojinayo Warshado biyo-macaanayn ah oo ka socda deegaano ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, Tayeynta Machadka cilmiga biyaha ee Xaaji Cabdi Waraabe, kaas oo lagu kobcinayo, aqoonta, tabobarada farsamada iyo xirfado cusub. Mashaariicdan ayaa ah kuwo kor u qaadaya waxtarka maxalliga ah iyo waarista adeegga biyaha ee mustaqbalka.

Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si guul leh u hirgelisay mashruuc ballaadhan oo lagu ballaadhinayo adeegyada biyaha ee magaalada Berbera, iyadoo sidoo kale biyo ballaadhin lagu sameeyey deegaanka Ceel-baxay.

Mashruuca Biyo Ballaadhinta Berbera:

Mashruuca biyo ballaadhinta magaalada Berbera oo si rasmi ah uu u dhagax-dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka mid ah mashaariicda istiraatiijiga ah ee xukuumaddu u dejisay horumarinta kaabayaasha nolosha. Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in mashruucan muhiimka ah lagu maalgeliyay miisaaniyadda qaranka JSL, iyadoo aan lagu tiirsanayn taageero dibadeed, waana arrin muujinaysa madax-bannaani dhaqaale iyo karti qaran.

Qorshaha Xukuumadda ee Dabar-goynta Biyo-dhaamiska Somaliland:

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha, Mudane Abubakar Cabdiraxman Good, ayaa shaaciyay in xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cirro ay waddo qorshayaal istiraatiiji ah oo lagu dabar-goynayo biyo-dhaamiska iyo abaaraha soo noqnoqda ee dalka. Wasiirku wuxuu sheegay in muddada kooban ee xukuumaddu jirtay guud ahaan dalka laga dareemay waxqabad muuqda oo ka hirgalay dhammaan gobollada dalka.

Wasiirka ayaa iftiimiyay in soddonkii sanno ee u dambeeyay ay Somaliland la tacaalayeen abaaro iyo biyo-dhaamis soo noqnoqda, balse hadafka cusub ee xukuumaddu uu yahay in arrintaasi lagaga guuro muddoshan sanno gudahood ah, isla markaana la soo afjaro gabi ahaan ba biyo dhaamis dambe. “Soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, waxa inagu soo noqnoqday biyo-dhaamis iyo abaaro, taasina waxay dhibaato ku ahayd dadka iyo dhaqaalaha. Qorshaha xukuumaddu waa in muddo shan sanno gudahood ah lagu dabargoyn doono biyo-dhaamiska dalka ku soo noqnoqda, Insha Allah,” ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha, Mudane Abubakar Cabdiraxman Good.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here