Wax soo saarka Warashadaha Somaliland oo Dahabshiil Dunida gaadhsiiyey

0
1102

Beijing (Hargeisa Press)- Kalluunka Badaha Somaliland ee sida heerka sare ah loogu warshadeeyo Berbera ee Dahabshiil Group maalgeliyey, ayaa noqday wax soo saarka Wershadaha Somaliland ee caalamka ku faafay.

Masuuliyin matalaya Wershada Somtuna oo qayb ka ah Dahabshiil Group ayaana China kaga qayb gashay shirka Ganacsiga Shiinaha iyo Afrika ee ka qabsoomay magaalada Beijing.

Cabdirashiid Dahabshiil Maamulaha guud ee Dahabshiil Group oo ka hadlaya guusha ay xaqjiisay Somtuna oo uu xusay inay la jaanqaadayso wax soo saarka dhiggeeda caalamka.

“Ka-qaybgalka Somtuna ee madashani waxa uu qayb ka yahay dadaalka aanu ugu jirno horumarinta warshadaha dalka, kor u qaadista dhoofinta, iyo kobcinta wax soo saarka dalka, oo la jaanqaadaya tartanka suuqyadda caalamka, iyadoo qayb ka ah himilada Dahabshiil Group ee horumarinta dhaqaale iyo shaqo abuurka.” sidaa ayuu yidhi Maamulaha guud ee Dahabshiil Group Cabdirashiid Dahabshiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here