Wasiiro Nairobi Ka Soo Laabtay Oo Sharaxay Kulamo Ay La Yeesheen Qaadhaanbixiyeyaasha iyo Hay’addo Kale

0
786

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire,Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole,Wasiirka Degaanka Shukri Xaaji Baandare iyo Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed, ayaa ka soo laabtay socdaal maalmo qaatay oo ay Nairobi ugu maqnaayeen.

 

Weftigan oo sidoo kale socdaalka Nairobi ay ku wehelinayeen Wasiirka Khaarajiga iyo xubno ka socday Isku tubo ridka Maaliyadda, ayaa socdaalkoodu la xidhiidhay kulamo ay la yeesheen qaadhaan bixiyeyaasha, kuwaasi oo xog waran ka siinayeen arrimaha doorashada, wada hadaladii fashilmay iyo xaaladdaha guud ee dalka.

 

Wasiirka Qorshaynta Dr Sacad Cali Shire, ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaalkooda “Ujeedada aanu u tagnay waxay ahayd inaanu aragno Qaadhaan bixiyeyaasha iyo cidda kale ee inala shaqaysa oo aanu uga warano xaaladda guud ee waddanka, sida amaanka, horumarka, Mashaariicda, wada hadalkii Somaliland iyo Somalia u socday, xaaladda siyaasadda gaar ahaana doorashooyinka” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay inay kulamo la soo yeesheen ilaa saddex Hay’addaha qaramada midoobay ka mid ah, ilaa 11 Safaaraddood, Bangiga aduunka, Midawga Yurub iyo Jaaliyadda Somaliland kuwaasi oo ay kala hadleen arrimaha dalka iyo sidii loo sii socodsiin lahaa baahiyaha Somaliland ay ka taageeraan hay’addahaasi iyo dalalkaasi.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here