Wasiirka Xidhidhka Goleyaasha Oo Shir La Qaatay Agaasime Waaxeedyadda

0
375

Hargaysa (HP): Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka JSL Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, maanta kulan la qaatay Agaasime Waaxeedada wasaaradaasi.


Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka JSL Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, oo ay Weheliso Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf Ayaa Maanta kulan la qaatay Agaasime waaxedada Wasaaradaasi.
Ujeedka guud ee kulanka ayaa Daarana Qiimaynta Waxqabadkii saddex biloodka ahaa ee Wasaaradaasi Iyo Sidii waax kasta U dardar gelin lahayd hawleheeda shaqo.


Ugu Dambayntiina Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Ayaa Agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradaasi uga Mahadnaqay Waxqabadka muuqda ee waax kasta Qabatay isagoona kula dardaarmay in Hawlaha shaqo ee Qaran Halkaa Laga sii Laban-laabo.
Dhinaca kale culimo ka aocotay Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa saaka Muxaadiro ku saabsan Fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan u qabtay shaqaalaha wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka JSL.


Waxaana Kulankaasi goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka JSL Maxamed Xaaji aadam Cilmi Iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here