Hargeysa,(HargeisaPress) – Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr. Cumar Shucayb Maxamed, oo maanta shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Somaliland warbixin ka siinayey 𝐡𝐚𝐛-𝐬𝐚𝐦𝐢-𝐮-𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐨𝐨𝐟𝐤𝐚, 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐚𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚, ayaa wuxu sheegay in Wasaaraddu ay gebi ahaan ba joojisay dhoofka xoolaha aan gaadhin da’da dhoofka, waxaana uu tilmaamay in ujeedka laga lee yahay uu yahay ilaalinta taranka iyo tayada xoolaha ee dalka.
Dr. Cumar Shucayb, wuxu sidoo kale xusay in tallaabadani ay tahay mid kor u qaadaysa sumcadda xoolaha nool ee Somaliland ee suuqyada caalamka iyo weli ba muqtaqbalka dhaqaalaha dalka. Waxa kale oo uu sheegay in la xoojinayo kormeerka iyo hubinta caafimaadka Xoolaha.

















