Wasiirka Wershadaha Somaliland Oo Madal Isugu Keenay Mas’uuliyiinta Xukuumadda Kaga Jira Gobolka Gabiley iyo Xubnaha Cusub Ee Xilalka Qaranka Kusoo Biiray + SAWIRRO

0
851

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda Wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse Ayaa maanta  hadhimo sharafeed is barasho huwan u sameeyey mas’uuliyiinta xilalka ka haysa xukuumadda Somaliland ee dhalasho ahaan kasoo jeedda gobolka Gabiley.

 

Hadhimadan oo ka qabsoontay Hotelka Maansoor ee magaallada Hargeysa  ayaa ka sokow masuuliyiinta gobolka ee ka qayb gashay  waxaa lagu soo dhawaynayay wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga somaliland horena u ahaan jiray afhayeenka madaxtooyada Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr) iyo Garyaqaan Cabdiraxmaan Aw Cilmi Faahiye (Shamax) oo isna loo magacaabay afhayeenka cusub ee madaxtooyada kuwaas oo labadooduba ka soo jeeda gobolka Gabiley.

CASUUMAD 5

Dabcanna waxaa hadhimadan is barashada ah ka qayb galay baadhasaabka cusub ee gobolka Gabiley, waxaa sidoo kale ka qayb galay aqoonyahanno, madax-dhaqameed, waxgarad, haween   iyo haldoor kale oo reer Gabiley ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen  wasiirka wasaaradda beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir, Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Abiib Axmed Cali, Agaasimaha guud ee wasaarada madaxtooyada Khadar Xaaji  Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh), Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Abdi, ku xigeenka baadhasaabka gobolka Gabiley Mr. Cali Case Guddoomiyayaasha Degmooyin Togwajaale, Agabar iyo Arabsiyo,  Agaasimaha samafalka madaxtooyada, iyo xubno kale oo muhiima.

 

Wasiirka wasaaradda wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse oo isagu dabcan agaasinka iyo qabanqaabada hadhimadan lahaa ayaa hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyey waxaa uu kaga warramay muhiimadda iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay xafladaha noocan oo kale ah, kuwaas oo wax tar u leh hawaalawaranka iyo iska war haynta bulshada qaybaheeda kale iyo xog ogaal u noqoshada xaalladaha dhaqan dhaqaalle, siyaasadeed iyo bulshaba ee deegaanka amaba gobolka Gabiley ee ay masuuliyiintani magacooda huwan yihiin. Wasiirku waxaa uu soo dhaweeyey isla markaana masuuliyiinta hore xilalka u hayay baray xubnaha  reer Gabiley ee ku soo biiray xukuumadda, kuwaas oo uu sheegay in ay horeba si dadban iyo si daalacanba uga dhex muuqdeen gobolka Gabiley.

CASUUMAD 2

Wasiir Shucayb waxaa uu Hambalyeeyey Wasiirka cusub ee ganacsiga ahna afhayeenkii hore ee madaxtooyada Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) iyo Afhayeenka Cusub ee madaxtooyada Garyqaan Cabdiraxmaan Aw Cilmi Faahiye (Shamax) iyo weliba sidoo kale baadhasaabka Cusub ee gobolka Gabiley Mr. Xamse kuwaas oo uu ilaahay uga baryay in uu xilka ku asturo, kaalintoodana ay ka qaataan horumarka qaranka.

CASUUMAD 8

Wasiirka cusub ee ganacsiga Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo isaguna halkaa hadal ka jeediyey ayaa wasiir Shucayb uga mahad naqay maamuuska uu xafladdan ku maamuusay isaga oo ku ammaanay kaalinta uu wasiir ahaan ka qaatay isku xidhka gobolkiisa iyo horumarka qaranka. Afhayeenka cusub ee madaxtooyada Garyaqaan Cabdiraxmaan Aw Cilmi Faahiye (shamax) ayaa isna wasiirka Wershadaha ku ammaanay abaabulka xafladdan is barashada ah oo uu sheegay in ay qayb laxaad leh ka qaadan doonto is  iska warhaynta masuuliyiintan xukuumadda hore ugu sii jiray iyo kuwa cusub ee ku soo biirayba.

MASUULIYIINTA REER GABILEY 22

Waxaa sidoo kale uu afhayeenku ku bogaadiyey wasiir shucayb in uu nqoday masuulka kaliya ee gartay qiimaha ay uu leeyahay gobolka gabiley,  wasiir yahayba ka sameeyey xilalkii uu soo maray, isaga oo sheegay in ay naadir tahay marka loo eego da’diisa iyo horumarka gobolkiisa uu ku sameeyeyba laba aan is lahayn. Xubnihii kale ee madashaasi ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Maayarka magaallada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi.

 

Agaasimeyaasha guud ee madaxtooyada iyo waxbarashada, wasiirka beeraha iyo xubno kale. Intii hadhimadan lagu gudo jiray waxyaabaha kale ee lagaga hadlay waxaa ka mid ahaa sidii gurmad heer qaran ah looga geysan lahaa abaaraha ba’an ee tabaaleeyey bulshada Somaliland gaar ahaana gobolka Gabiley.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here