Hargeysa,(HargeisaPress)– Wasiirka wasaaradda Cadaalada Somaliland Yoonis Axmed Yoonis, ayaa waxa uu maanta kormeer ku tagay Taliska guud ee Ciidanka Asluubta Somaliland.
Wasiirka, ayaa markii uu gaadhay Taliska Ciidamada Asluubta, waxa halkaasi ku sugnaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Somaliland iyo Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka.
Intaasi ka dib, Wasiirka hadalka gudihii Somaliland Yoonis Axmed Yoonis oo halkaasi ka hadlay, ayaa ballanqaad u sameeyay Ciidamada Asluubta Somaliland.
Waxa uu sheegay Wasiirku in uu Ciidanka Asluubta uu u balan qaadayo inay ka mid yihiin shaqaale ahaan ay la shaqayn doonaan.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Somaliland oo isna madasha ka hadlay, ayaa Wasiirka arrimaha uga hadlay xaaladda uu ku yimid xarunta guud ee Ciidanka Asluubta.
hoose ka daawo muuqaalka