Hargeysa (HargeisaPress)– Wasiirka Wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Abubakar Cabdiraxman Good, ayaa kullan muhiim ah la qaatay madax sare oo ka socday Hay’adda Oxfam.
Ujeedada shirka ayaa ahayd:
1. Isbarasho iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac.
2. Ka wada shaqaynta warshadaha biyo-macaanaynta ee ka socda goobo ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag.
3. Balaadhinta warshadaha biyo-macaanaynta si loo daboolo baahiyaha bulshada.Wada shaqayn ku saabsan maamulka iyo waaritaanka adeega (sustainability and management) ee warshadahan
4. Sidii loo tayayn lahaa machadka Farsamada Ee Xaaji Cabdi Waraabe iyadoo laga caawinayo tabobarka warshadaha biyo macaanaynta ( desalination plants).
Horumarinta aqoonta iyo tayada xirfadlayaasha maxalliga ah iyadoo la iska kaashanayo tababaro, khibrad-wadaag, si ay u bartaan rakibidda iyo dayactirka qalabka.
Shirku wuxuu xambaarsanaa rajo iyo yididiilo cusub oo ku wajahan kobcinta adeegyada biyo-nadiifinta iyo iskaashiga dhexmara labada dhinac.