Burco (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan oo safar shaqo ku gaadhay deegaanka Dabaqabad ee gobolka Togdheer, ayaa guddida iyo odayaasha deegaanka ku wareejiyay kharashka xannaano dhammaystiran oo ay baahi weyn u qabeen dadka deegaankaasi.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo lagu yaqaan run sheegnimo iyo ballan oofin, ayaa dadka deegaanku ka codsadeen dhismaha xannaanadan taas oo uu ka dhabeeyay kana farxiyay magaalo u baahnayd goob iyo adeeg caafimaad.
Odayaasha deegaanka, ayaa wasiirka Wasaarada Warfaafinta uga mahadceliyay damiirka damqashada wanaagsan ee uu mar walba la bar bar joogo dadkiisa iyo dalkiisa iyo kharashka dhismaha Xannaanada ee uu ku wareejiyay.
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, ayaa sheegay in uu ku wareejiyay odayaasha, waxgaradka iyo guddiyadda deegaanka kharashka xannaano dhammaystiran.
Wasiir Cali Mareexaan, ayaa safar shaqo oo waxtar yididdiilo iyo waxqbad leh ku maraya deegaannada iyo degmooyinka gobolka Togdheer kuwaas oo bulshada degmooyinkaasina ay mahadiyeen safarka Wasiirka.