Wasiirka Warfaafinta JSL oo Hambalyo u Diray ardayda Jaamacadda Golis ee Qalinjabisay

0
205

Hargeysa (HargeisaPress) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Mudane Axmed-yaasin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa hambalyo u diray ardayda Jaamacadda Golis ee maanta qalinjabisay.

Wasiirku waxa uu sheegay in cilmiga ay barteen Alle barako ka yeelo, isla markaana uu noqdo mid anfaca ardayda iyo bulshada.

Wuxuu dardaaran ugu jeediyay ardayda in ay sii wataan geediga aqoonta, Alle ka cabsadaan, cilmigoodana uga faa’iideeyaan qarankooda, waalidkood iyo shacabka guud ahaan.

Wasiirka ayaa xusay in qofka naftiisa waxtara uu mudan yahay in bulshada iyo qarankaba ay ku mahadnaqaan.

Waxaanu yidhi.“Cilmiga aad barateen Alle haydiin barakeeyo, mid idin anfacana Alle heydiina dhigo, waad guuleysateen, siiwada aqoontiina iyo geedigiina waxbarasho, waxaan idinku dardaaraya inaad ILLAAHEY ka cabsataan, cilmiga aad barateena ILLAAHEY kaga baqataan, Qarankiinana ugu adeegtaan, waalidkiinana ku anfacdaan, dadkiina ku wanaajisaan.

Qofku markuu naftiisa waxtaro wuxuu mudan yahay in loo mahadnaqo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here