Wasiirka Qorsheynta Somaliland oo guddoomisey kulan ku saabsan mudnaanta horumarinta qaranka

0
821

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa maanta guddoomisay kulan heer wasiir ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha Guddiga Horumarinta Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirradda, kaas oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Kulankan oo ahaa mid wada-tashi, ayaa ujeedkiisu ahaa dib-u-eegista iyo hormo gelinta mudnaanta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad (NDPIII 2023–2027), iyadoo la is waafajinayo qorshaha horumarinta qaranka iyo qorshaha xukuumada.

Wasiirka oo kulanka si rasmi ah u furay, ayaa waxaa ay xustay muhiimadda uu leeyahay qorshahan oo sal u ah horumarka dalka iyo gaadhista himilooyinka qaranka.

Waxay sidoo kale ku boorisay xubnaha guddiga in laga faa’iidaysto wada-tashiyada noocan ah si loo hubiyo hirgelin waxtar leh oo ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee dalka.

Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Isku-duwidda ee Wasaaradda ayaa gudiga u soo bandhigtay war bixin dhameystiran oo ku saabsan hayaankii dheeraa ee uu soo maray horumarka Somaliland, hiigsiga iyo himilooyinka qaranka ee 2030ka, iyo mudnaanta la rabo in la dardargeliyo.

Warbixintu waxay si qoto dheer u iftiimisay isbeddellada la doonayo in lagu saleeyo marxaladda xigta ee QHQ.

Xubnaha Golaha Wasiirrada ee guddiga ku jira, ayaa isweydaarsaday aragtiyo wax-ku-ool ah, waxayna soo jeediyeen talooyin muhiim ah oo ku saabsan xoojinta wada-shaqaynta, waxtarka qorshaha, iyo sidii loo xaqiijin lahaa in qorshuhu noqdo mid la jaanqaadaya isbeddellada iyo baahiyaha bulshada.

Ugu dambayn, wasiirka ayaa soo xidhay kulanka iyadoo uga mahadcelisay xubnaha sida ay uga go’an tahay in qorshaha horumarinta qaranku noqdo mid dhab ah oo wax ka beddelaya nolosha bulshada ee ku salaysan qorshaha horumarinta qaranka iyo hiigsiga qaranka ee 2030ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here