Wasiirka Qorshaynta oo kulan la yeelatay Madaxa Qaramada Midoobay ee Somaliland

0
1045

Hargeysa (HargeisaPress)- Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland Marwo Kaltun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa waxaa ay maanta xafiiska ku qaabishey Madaxa Qaramada Midoobay ee Somaliland Mr Nikolia Rogosaroff.

Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta qaranka Somaliland, ayaa waxaa kulanka ku wehelinayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Maxamed Cabdillaahi Ducaale.

Dhankiisa Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliland, ayaa isna waxaa kulanka ku wehelinayay, isu-duwaha arrimaha bini’aadamnimada ee xafiiska Hargeysa Cabdi Askar iyo Sarkaal sare oo la socday Xafiiska siyaasada Daahir Maxamed Daahir.

Ujeedka kulanka, ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa isla markaana loo dar dar galin lahaa xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya dawlada Somaliland Qaramada midoobay.

Intii uu kulanku socday waxaa ay labada dhinac ay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dhinac.

Kulankan, ayaa waxaa uu hordhac u ahaa kulamo la filayo inay dhawaan wadayeeshaan madaxada u sareeya Qaramada Midoobay iyo Dowladda Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here