Dubia (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Axmed Jaamac Barre oo ay wehelinayeen saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaraddaas, ayaa socdaal shaqo oo ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaalooyinka Dubai, Abu Dhabi, iyo Sharjah.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay shirkado iyo maalgashadeyaal heer sare ah.
Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Macdanta, waxana lagu sheegay in shirarkaas looga dan lahaa in maalgashadeyaasha loogu bandhigo in Somaliland tahay waddan ay ka jiraan fursado waaweyn oo maalgashi, gaar ahaan saddexda qaybood ee muhiimka ah; Tamarta, macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah, iyo Saliidda iyo Gaaska (Hydrocarbons).
Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Eng. Axmed Jaamac Barre ayaa si qoto dheer tafaasiil uga bixiyay in Somaliland ay tahay goob maalgashi oo soo koraysa, isaga oo xusay qodobadan muhiimka ah:
1. Nabadgelyada, xasilloonida iyo amniga Somaliland ee cagaha adag ku taagan tan iyo markii dib ula soo noqotay Somaliland madax-bannaanideeda sannadkii 1991.
2. Dimuqraaddiyadda ka taabogashay Somaliland iyadoo ay ka dhaceen doorashooyin xor iyo xalaal ah oo xukunkana la iskugu wareejiyo hab nabadgelyo ah.
3. Suuqa furan ee dhaqaalaha ee ka jira Somaliland, sharciyaynta dhiirrigelinta maalgashiga.
4. Kheyraadka dabiiciga ah ee hodanka ku tahay Somaliland sida macdanta iyo saliidda.
5. Goobta juqraafiyeed ee istaraatiijiga ah ee Somaliland oo u dhow suuqyada waddamada Khaliijka, iyadoo laga faa’iidaysanayo horumarka ka socda dekedda Berbera iyo waddada Berbera Corridor oo muhiimad ballaadhan u leh mandaqada.
Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland intii uu ku gudo jiray socdaalkiisa dalka Imaaraadka Carabta wuxuu la kulmay shirkado ay ka mid yihiin: Mubadala, Skyline, Masdar Tech City, iyo BB Energy, kuwaas oo uu si faahfaahsan ugala hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland.
Wasiirka, ayaa si gaar ah u xusay fursadaha ka jira qaybaha tamarta iyo macdanta, oo ay ka mid yihiin Qeybo dhul ah iyo kuwo baddeed oo saliid iyo gaas laga baadhi karo oo loo diyaariyey in loo fasaxo maalgashadayaal.
Shirkado badan oo uu Wasiirku la kulmay, ayaa muujiyey inay danaynayaan inay maalgashi toos ah iyo iskaashi la yeeshaan dowladda.
Shirkado kale, ayaa caddeeyay inay doonayaan helidda blokyo shidaal, iyaga oo u maraya shirkadaha.