Wasiirka Maaliyadda Kenya oo Eedaymo Musuq-maasuq Loo Xidhay

0
682

Nairobi (HargeisaPress)- Wasiirka maaliyadda dalka Kenya, Henry Rotich ayaa la xidhay, waxaa uu isu dhiibay booliska kaddib markii uu dacwad oogaha guud shaaciyay in wasiirka maaliyadda uu wajahayo eedeymo musuqmaasuq oo la xidhiidha dhismaha laba biyo xidheen.

Dacwad oogaha guud, Nuradin Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa sheegay in Mr Rotich uu baalmaray hannaanka bixinta qandaraasyada kadib markii uu qandaraas malaayiin dollar ah uu siiyay shirkad dhismaha ah oo laga leeyahay Talyaaniga.

Nuradin ayaa sidoo kale baadhitaan ku samaynaya qaabka lacagta qandaraaska loogu kordhiyay 170 milyan oo dollar oo ka baxsan lacagtii hore ee la kala sixeexday.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in lacagtaasi si sharci darro ah lagu bixiyay oo ay iska kaashadeen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan iyo shakhsiyaad rayid ah.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here