London (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare, ayaa safar ku tagay caasimada dalka Ingiriiska ee London.
Wasirka, ayaa booqday Safaarada Somaliland ee Wadanka Ingiriiska halkaasi oo uu kula kulamy Safiirka Somaliland u fadhiya Waddanka ingiriiska Cabdi Cabdilaahi, halkaasi oo uu safiirku ku soo dhaweeyay wasiirka.
Sidoo kale, wasiirka, ayaa kulamo gooni-gooni ah la qaatay Jaaliyada Somaliland ee wadanka Ingiriiska, gaara ahaan ganacsatada reer Somaliland oo uu kula kulamay Safaarada Somaliland ee wadanka ingiriiska.
Kulankan oo uu wasiirka ku wehelinaayay Safiirka Somaliland u fadhiya waddanka UK, ayaa waxa uu wasiirku ku soo bandhigay fursadaha maalgashi ee waddanka yaalla iyo sidii ganacsatada qurbe-jooga uga faa’iidaynlahaayeen fursadahaas waddankana, isla markaana u maalgashan lahaayeen.