Wasiirka Gaashindhigga Somaliland oo La Kulmay Saraakiil Ka Socda Dowladda Ingiriiska

0
1355

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Rooble Cabdi Muuse, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socday wasaaradda difaaca dalka Ingiriiska iyo madaxa nabadgelyada xafiiska UK ee Hargeysa.

Saraakiishan uu Wasiirku qaabiley ee ka socday wadanka Ingiriiska, ayaa kala ahaa Mr. James Edward oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca dalka Ingiriiska iyo Kamilla Landberg oo ah madaxa nabadgelyada xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa.

Kulankan, ayaa waxa ay labada dhinac kaga wadahadleen sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka dhinaca amniga ee dowladdaha Somaliland iyo Ingiriiska oo uu xidhiidh soo jireen ahi Somaliland uu ka dhexeeyo.

Intii uu kulankani socday waxa ay masuuliyiintani diirada saareen sidii looga wada shaqayn lahaa horumarinta amniga iyo iskaashigiisa oo muhiim u ah labada dal.

Gaba-gabadii  kulankan, ayaa waxaa ay Wasiirka iyo Saraakiisha Ingiriisku isla qaateen in dhinac looga soo wada jeedsado ka shaqaynta iyo xoojinta amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here