Hargeysa,(HargeisaPress)– Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda oo kulan la yeeshay Safiirka Emirate-ka u fadhiya Somaliland
Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Mudane Fuaad Axmed Nuux waxa uu kulan kula qaatay Xafiiskiisa Safiirka Emirate-ka Carabta u fadhiya Somaliland Ambassador Abdullah Muhammad Al Naqbi, waxaanay ka wada hadleen xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland iyo Emirate-ka Carabta ee dhinaca Duulimaadyada iyo Horumarinta Madaaradda. Wasiirku wuxuu u xaqiijiyay in Qaran ahaan Somaliland diyaar u tahay Xoojinta Iskaashiga labada dal ee Duulimaadyada, Horumarinta Madaaradda iyo wadaagista aqoonta Aviation-ka.
Ambassador Abdullah Al-Naqbi wuxuu isaguna dhinaciisa xaqiijiyay in Emirate-ku diyaar u yahay inuu Somaliland kala shaqeeyo Horumarinta Adeegyada Duulimaadyada iyo Casriyaynta Madaaradda.